SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WAA MAXAY SABABTA UU MW-XASAN UGU SAFRO ERITEREEYA?

(SAWIRKA)-MW-XASAN OO GAARAY ASMARA.

MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan gaaray magaaladda Asmara ee caasimadda u ah dalka Eritereeya waxa uuna halkaasi kula kulmay Madxweynaha dalka Eritereeya Isaias Afwerki,labada Hogaamiye ayaa ka wada hadlay arrimo xasaasi ah kuna saabsan Gobolka Geeska Afrika gaar ahaan labada dal ee Soomaaliya iyo Eritereeya.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhigiisa Afawerki uga warbixiyey dadaaladda ey dawladda Federaalka Soomaaliya ugu jirto iney ku soo afjarto dagaalka kooxda Alshabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud markii uu ka midka ahaay Midawgii Musharixiinta ee ka soo horjeeday dawaladdii uu hogaaminaayey MW-Farmajo waxa uu si aad ah dhaliili jiray xiriirka ey Soomaaliya la yeelatay dalka Eritereeya gaar ahaan tababarka ciidamadda Qalabka sida ee Soomaaliya.

ISHA/BBC.

RIIX HALKAN.