WAA MAXAY SABABTA HANTIDHARWKA UGU DHEGAN YAHAY…
(SAWIRKA)-SAFAARADDA SOOMAALIYA EE SALDANADA CUMAAN.
(MUQDISHO)-Marka aad joogtid dalka Soomaaliya dibadiisa ee aad dan ka yeelatid Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas ku taalo waxaa laga yaabaa inaad soo xusuusatid wax Murugo kuu leh amaba wax Farxad kuu leh waane mid ku xiran hadba sida adiga laguula dhaqmay markii ey dani kaa gashay Safaaradda Soomaaliya ee dalka joogtid. Waa iska caadi in aad aragtid Mukhalasiin dhooban gudaha Safaaradda iyo kuwa ku sugan banaanka Safaaradda,adeegyada ey bixiso Safaaradda oo ah kuwa kala gedisan hadane ma arkaysid saraakiil ehel u ah Xirfadahaasi oo si wacan u gudan kara waajibkooda shaqo balse waxa aad arkaysaa kuwa la keensaday Safaaradda oo aan waxba kala ogayn lahayne wax Xirfad ah. Soomaaliya waxa ey ka tirsan Ururka Jaamicadda Carabta muddo dhan 50-sano waa marka laga soo bilaabo waqtigii aan ku biirnay Ururka Jaamicadda Carabta oo ahaay 14/2/1974-tii,dhammaan dalalka xubnaha ka ah Ururkaan Jaamicadda Carabta Soomaaliya Safiir ayey ku leedahay balse ma yihiin kuwa leh Xirafdaas loo Igmaday mase waa dad aan aqoon lahayn halkaasne ku tegay Naas-nuujin iyo nin jeclaysi. Safaaradda Soomaaliya ee ku taalo magaaladda Masqat ee dalka Cumaan waxa ey ka mid tahay Safaaradaha ugu mashquulka badan Safaaradaha ka furan dalalka Khaliijka Carabta waxaane inagala dhexeeyo Ganacsi balaaran oo soo jireen ah,Md.Axmed Ciid ayaa la sheegay inuu ka yahay Qunsulka Guud ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Cumaan ee fadhigeedu yahay magaaladda Masqat, Md.Axmed Ciid waa haddii uu weli jooge waxaa xilkaas keenay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Md.Axmed Ciise Cawad oo ey yihiin isku reer(CIISE MAXAMUUD),hadaba maxaa ka soo kordhay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Cumaan? Xafiiska Hantidhawraha Guud ee Qaranka ayaa Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka u gudbiyey Warbixin Baariseed Fatash ah(FORENSIC AUDIT REPORT) oo Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka uu ku sameeyey Safaaradda Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku taalo magaaladda Masqat ee Saldanada Cumaan. warbixinta ayaa lagu soo bandhigay eedeymo waa weyn oo isugu jira Musuq,ku takrifal awoodeed,Lunsasho xoolo dadweyne oo ey lahayd DFS.
ISHA/CAASIMADDA.