WAA MAXAY FAA’IIDOOYINKA HESHIISKA SOOMAALIYA IYO TURKIGA?
(SAWIRKA)-MADAXWEYNAYASHA SOOMAALIYA IYO TURKIGA.
(MUQDISHO)-Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu maanta oo Arbaca ah si aqlabiyad ah ku Ansixiyey Heshiis ey wada galeen dalalka Soomaaliya iyo Turkiga kuna saabsan difaac badda Soomaaliyeed,heshiiskaan ayaa waxaa dhinac Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Gaashaandhiga ee DFS Md.C/qaadir Maxamed Nuur(Jaamac),heshiiska ayaa soo maray sidoo kale Golaha Wasiiradda Xukuumada Soomaaliya ee uu hogaamiyo Reysal Wasare Xamsa Cabdi Barre. Heshiiskan ayaa ah mid shaqeyn doono muddo dhan toban sano kana bilaabanayso waqtigii la isku afgarto,fadhigii maanta ee BJF uuna ka qeybgalay MW-Xasan Sheekh Maxauud aya waxaa loo diiday iney galaan dhammaan Warbaahinta Madaxa Banaan sabab aan la sheegin darteed.hadaba heshiiskaan baarlamaanku ansixiyey maxaa faa’iido ah oo ugu jiro dalka Soomaaliya?
ISHA/CAASIMADDA.