WAA MAXAY DOODA EY QABAAN SIYAASIYIINTAAN?
(SAWURKA)-MW-SHARIF,RW-KHAYRE IYO CCW.
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in maanta oo Isniin ah uu fadhigiisii todobaadlaha ahaay yeeshay Golaha Shacabka ee BJFS,fadhiga maanta ayaa ah mid ka duwan fadhiyadii hore ee uu yeelan jiray Golaha Shacabka ee BJFS waayo fadhigaan ayaa waxaa looga doodayaa Wax ka bedelka Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya. Arrintaan wax ka bedelka Dastuurka KMG ah ayaa soo bilaabatay bishii Meey-2023-kii ka dib markii Golaha Wada Tashiga Qaranka uu go’aamiyey in wax laga bedelo Dasuurka KMG ah lana horgeeyo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si uu uga doodo dabadeedna go’aan uga gaaro,hadaba waxaa jiro siyaasiyiin arrinkaan ka biya diidsan kuna heyb ah MW-Xasan Sheekh kalana ah”Ex-MW-Sheekh Shariif,Ex-RW-Xasan Cali Khayre iyo C/raxman C/shakur”dhammaan siyaasiyiinta iyo kuwa kale oo Ra’ayi ah waxa ey diidan yihiin wax ka bedelka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya,mida layaabka leh ayaa ah dhammaan masuuliyiintaan ayaa u tartamay xilka Madaxweynaha JFS ee la qabtay 15/5/22-kii waxa eyna dhammaantood ku ololeynaayeen oo ayadoo cod ah laga haayaa”HADDII AAD I DOORATAAN WAXA AAN DHAMMAYSTIRI DOONAAN DASTUURKA KMG AH”,hadaba waa maxay sababta ey maanta ku diidan yihiin la dhammaystiro Dastuurka KMG ah? HALKAN HOOSE KA AKHRISO WAXA EY KU DOODAYAAN.
ISHA/CAASIMADDA.