SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WAA KUMA SHAQSIGA QARAXYADA U SAMEEYO ALSHABAAB?

(SOMALIA):Inteeyna badan waxa aan la soconaa in Soomaliya eey ku sugan yihiin sirdoono ajnabi ah lana dagaalaayo argagixisadda,tababaradda eey bixiyaan sirdoonadaas ayaa waxaa ka faa’iidaysto ciidamaddo Soomaali ah,hadaba wargayska New york Times cadadkiisii soo baxay maanta(24/10/2021)-ka ayaa waxa uu wax ka qoray hawlgaladda eey sameeyso CIA-da gudaha dalka Soomaaliya,waragayska ayaa tilmaamay kooxda Alshabaab cidda u sameeyso qaraxyadda lagu hoobto iyo halka eey ku soo waxbaratay,shaqada eey soo qabatay,hadaba halkaan waxa aan idinkugu soo gudbihaa qoraal kooban aan kaga hadlayo waxa uu wargaysku ka yiri madaxdii soo qabaty xilka NISA iyo cidda Alshabaab u farsameeyso qaraxyadda lagu hoobto.

2015-kii,madaxii CIA-da ee Muqdisho joogay ayaa waxa uu dadaal u galay sidii xilka looga qaadi lahaay madaxii NISA ee waqtigaas Gen.Tuuryare,madaxa CIA-da ayaa sabab uga dhigay xilka qaadista GEN.Tuuryare musuqmaasuq iyo maamul xumo,Gen.tuuryare ayaa sheegay inuu dhibane u yahay Maraykanka oo awood leh islana weyn”Waan diiday inaan madaxeyga u foorariyo qof isaga iska dhigaayo Boqor”ayuu Gen.Tuuryare hadalkiisa sii raaciyey mar uu waraysi siinaayey wargayska THE TIMES.Is-haysigaan u dhexeeyo Gen.Tuuryare iyo madaxa CIA-da ayaa socday muddo dhan sannad waxaane markii dambe dhacday in wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka codsi u soo dirto madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo eey isku reer yihiin Gen.Tuuryare si uu talaabo uga qaado Gen.Tuuryare,waxyar uun ka dib wasiirka arrimaha dibadda dalka Ingiriiska ee waqtigas Phillip Hammond ayaa u sheegay hogaamiyeyasha soomaalida in xiriirkooda halis geli karo sabab la xiriirto muranka xilka qaadista Gen.Tuuryare,sababta keentay muranka u dhexeeyo Gen.Tuuryare iyo madaxa CIA-da ayey masuuliyiin soomaali ah ku sheegeen ineey tahay cidda maamulayso hawgaladda ciidamadda uu tababaray maraykanka ee ka tirsan NISA loona yaqaano Gaashaan.

2020-kii ayuu wasiirkii hore arrimaha dibadda ee Maraykanka Pompeo saxiixay in Maxamed Cismaan C/laahi(Eng.Ismaaciil) lagu darro liiska aragagixisadda,Maxamed ayaa ah masuul sare kana tirsan kooxda Alshabaab khabiirne ku ah sameeynta qaraxyadda,Maxamed ayaa madax u ah Alkata’ib garabka Borobogaandada,Maxamed waa la taliyaha gaarka ah ee hogaamiyaha ugu sareeyo kooxda Alshabaab Axmed Diiriye waane mid ka mida labada ku xigeen eey leedahay kooxda Alshabaab.Sida uu sheegay wargayska Maxamed ayaa ka dhashay qoys reer Muqdisha ah,Maxamed aabihiisa waxa uu shaqaale ka yahay hayadda Alxarameeyn ee hoos tagato hayadda Sacuudiga(Saudi Charity),hayadaan Sacuudiga ah ayuu Maraykanka ku eedeeyey ineey gacan saar la leedahay kooxda Alqaacidda sannadkii 2002-dii.Maxamed oo ku jiro da’ada labatameeyada ayaa ka qalin jebiyey Jaamicad ku taalo dalka Suudaan sannadkii 2006-dii waxa uuna Maxamed shaqo ka helay xafiiska TV-ga Aljazeera ee magaaladda Muqdisho isagoo ah farsamo yaqaan waxane Maxamed madax u ahaay waqtigaas Fahad Yaasiin oo ahaay madaxii xafiiska Aljazeera ee Muqdisho,ugu dambayntii Maxamed waxa uu tababar ku soo qaatay xarunta Tv-ga Aljazeera ee magaaladda Dooxa dalka Qadar,waqtigaas ayaa ahaay waqti eey soomaaliya soo galeen ciidamadda Itoobiya oo eey gadaal ka riixaysay dawaladda Maraykanka,sida eey soomaali badan uga caroodeen soo gelitaanka ciidamadda Itoobiya ee magaaladda Muqdisho Maxamedne sidaas ayuu uga carooday waxa uuna ku biiray ciidamadii maxaakimta ee la dagaalay Itoobiyaanka kuwaaso u xuubsiibtay Alshabaab.

2008-dii,Maraykanka ayaa kooxda Alshabaab waxa uu ku daray liiska argagixisadda waane waqtiga eey kooxdu bilawday ineey qorato dagaalyahano.Sannadkii 2012-kii kooxda Alshabaab waxa eey ku biirtay Alqaacidda,laakinse Maxamed oo ka tirsanaay kooxda ayaa shaqadii ugu horeeysay ee uu qabtay waxa eey ahayd borobogaandada waxaane dhacday in diyaaradaha Drones-ka dilaan ninkii Alshabaab u sameyn jiray qaraxyadda waxane booskiisa lagu bedelay Maxamed(Eng.Ismaaciil),CIA-da ayaa rumaysan in qaraxii Zoobe eey ka dambayso Alshabaab uuna soo farsameeyey Eng.Ismaaciil in kastoo Alshabaab eey ka aamustay qaraxaas lagu hoobtay kana dhacay Muqdisho.Masuuliyiin Maraykan ah ayaa soo jeediyeen in cunaqabeeyn la saaro madaxii hore ee NISA Fahad Yasiin laguna qasbo inuu xilka isaga dego sidaas waxaa sheegay laba masuul oo reer galbeed ah,laakinse CIA-da oo Fahad u aragto saaxib u hagar baxay ayaa ka soo horjeesatay fikradaas,waxayna CIA-da si cad u difaacday dhigooda eey danaynayaa.

XIGASHO NEW YORK TIMES

HALKAAN KA SII AKHRI