WAA KUMA SEYFUL CADLI?
(SAWIRKA)-SEYFUL CADLI.
(LONDON)-Ururka AL-Qaacidda ayaa soo saaray buug ey kaga hadlayaan weerarkii ka dhacay dalka Maraykanka 9/11/2001-kii,weerarkaan ayaa waxaa ku naf waayey dad fara badan oo Maraykan ah,waxa uuna weerarka ka dhacay xarunta Ganacsiga caalamiga ah ee Magaaladda New York ee dalka Maraykanka,weerarkaan ayaa waxa si rasmi ah u sheegtay kooxda AL-Qaacidda uu waqtigaas hogaaminaayey Usama Bin Ladin,waxaane Usama dilay ciidamada gaarka ah ee dalka Maraykanka isagoo ku sugnaay gudaha dalka Afgaanistaan waxaane xilkisa la wareegay ku xigeenkiisii Ayman AL-Dawaahiri oo isagan ey dileen ciidamada Maraykanka ee ku sugan dalka Afgaanistaan oo ey wada shaqeyni ka dhexeyso sirdoonka dalka Afgaanistaan,hadda waxaa Ururka AL-Qaacidda si ku meel gaar ah u haayo nin reer Masar ah laguna magacaabo Seyful Cadli lana sheegay inu ku sugan yahay dalka Iraan.
ISHA/BBC-SOMALI.