WAA KUMA HORJOOGAHA ISA SOO DHIIBAY SHALAY?
(SAWIRKA)-NUURDEEQ(NINKA MACAWISTA WATA) OO LAGU SO DHAWEYEY GALKACYO.
(GALKACYO)-Dalka Soomaaliya waxaa qeybo ka mida ka socdo dagaal adag oo looga soo horjeedo kooxda Alshabaab oo dalka Soomaaliya dhibaato ku haysay muddo ka badan toban sano,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh ayaa sannad ka hor waxa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda Alshabaab,dagaalka ayaa ku bilawday si lama filaan ah ka dib markii ey kooxda Alshabaab gubtay baabur nuuca dadweynaha oo maraayey degaan ka tirsan G/Hiiraan waxaan halkaas isku fara saaray xoogaga degaanka uu hogaaminaayey gudoomiyaha G/Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo kooxda Alshabaab oo markaasi ka talinaysay qeybo ka mida G/Hiiraan. Shalay oo Talaada ahayd ayaa degmada Wisil ee G/Mudug dhinaca Galmudug iska soo dhiibay Horjooge weyn kana tirsanaay kooxda Alshabaab laguna magacaabo Nuur C/laahi Maalinguur(Nuur-deeq),hadaba waa kuma Nuur-Deeqa shalay isa soo dhiibay?
ISHA/BBC-SOMALI.