Dadka degan gobolka Kassal ee dalka Suudaan ayaa sheegay ineey arkeen meydad sabeeynaayo wabiga u dhexeeyo Suudaan iyo Itoobiya. Meydadka ayaa waxaa laga helay wabiga Setit kaasoo gudaha dalka Itooobiya looga yaqaano Tekeze waxa uuna dhacaa khadka xuduudka u dhexeeyo dhulalka eey kala maamulaan xoogaga Tigray iyo kuwa Amxaaradda ee gacan saarka la leh dawladda dhexe ee Itoobiya.
Dr.Tewadros Tefere ahne takhtar ku takhasusay qaliinka kana soo baxsaday dagaaladda Itoobiya gaar ahaan magaaladda xuduudka ku taalo ee la yiraahdo Humera ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay inuu gacantiisa ku duugay toban meyd lixdii maalmood ee la soo dhaafay gudaha dalka Suudaan,sidoo kale kalluumaysatada degaan iyo qaxooti ayaa helay meydad dhan labaatan iyo sideed meyd. Dr.Tefere ayaa yiri”Meydad ayaa ahaay kuwa laga toogtay xabadka,caloosha iyo lugaha waxane la isaga xiray labada gacmood”.XIGASHO MEMO.