ALSHABAAB OO SII DAYSAY TAKHAATIIRTII U DHALAY KUUBA.
Sida eey Muqdisho ka soo tebisay wakaaladda wararka ee ASSOCIATE PRESS(AP) kooxda xagjirka ah xiriirkana la leh kooxda Alqaacidda ee alshabaab ayaa waxa eey sii daayeen laba takhtar oo u dhalatay dalka Kuuba,takhaatiirtaan ayaa laga soo afduubay dalka Kenya waxaane afduub loogu haystay dalka soomaaliya oo deris la ah dalka laga soo afduubtay sidaas waxaa yiri masuuliyiin soomaali ah balse masuuliyiinta kuubaan ah ayaa diiday sheegashadaas sii daynta ah. Sarkaal ka tirsan hayaddaha amaanka soomaaliya ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in labada takhtar la sii daayey dhammaadkii asbuucii tegay ka dib markii eey socdeen wada hadalo qaatay muddo bila ah oo lala sameeyeyafduubayaasha alshabaab,sarkaalka ayaana diiday inuu bixiyo tafaasiil intaas dhaafsan kuna saabsan sii daynta labada takhtar ee u dhalatay Kuuba. Ila wareedyo kale oo la hadlay wakaaladda wararka AP ayaa sheegay in sirdoonka soomaaliya dawladda Kuuba ka codsatay in wada hadal lala furo kooxda wax afduubtay ee alshabaab si loo sii daayo labada takhtar ee u afduuban ka dib markii la tusay Video laga soo duubay takhaatiir bil ka hor. Ma aha markii ugu horeeysay eey hayadda NISA iyo safaaradda dawladda QADAR ee soomaaliya qeyb ka noqdaan sii daynta dad ajnabi ah una afduuban kooxda alshabaab oo waxaa horay u dhacday in NISA iyo safaaradda dawladda QADAR ee soomaaliya qeyb ka noqdaan sii daynta gebertii u dhalatay Talyaaniga una shaqeynaysay hayad samafal oo ka hawlgala dalka Kenya,gebertaas ayaa la oran jiray Silvia Romano waxaane la soo afduubay sannadkii 2018-kii waxaane la sii daayey sannadkaan 2020-ka bishii Meey,waxaase shacabka soomaaliyeed warbaahinta loo sii marsiiyey in Silvia eey soo furteen ciidamo ka kala tirsan dalalka Talyaaniga iyo Turkiga waxa eeyna ka duushay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho. Xigasho wakaaladaha wararka.