USA:GUDOOMIYAH GOBOLKA MINNESOTA OO DIIDAY…
SAWIRKA WADAYAASHA UBER IYO LYFT EE MINNESOTA.
(MINNESOTA)-Gudoomiyaha Gobolka Minnesota Tim Walz ayaa awooda diidmada Qeyaxan ku diiday inuu sharci ka dhigo xeer ey soo ansixiyeen aqalada Gobolka Minnesota,sharcigaan ayaa difaacayo xuquuqda wadayaasha Gaadiidka dadweynaha kuwooda loo aqaan(UBER/LYFT). Sharcigaan ayaa wadayaasha Gaadiidkaan siinaayo fursad ah $5 oo marki la soo raco ah ugu yaraan laguna daray $1.25 iyo 0.34Cents oo daqiiqad walba ah goynta ganaaxa la saaro qofka raacaay baabuurka marka laga maarmo baabuurkii la wacday. Si kastaba ha aahtee arrintaan ayaa ah mid aad culus kana jirto Gobolka ey Soomaalidu u badan tahay ee dalka Maraykanka ee MINNESOTA. Arrinkaan ayaa waxaa wax ka qoray MPR-NEWS MINNESOTA.
ISHA WARKA MPR-NEWS.