SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

(USA)-MAXKAMAD XUKUNTAY RAG KU BIIRI RABAY ISIS.

(SAWIRKA)-MAXKAMAD.

(TUCSON-ARI)-Wararka ka imaanayo magaaladda TUCSON ee Gobolka Arizona ee dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in laba nin oo reer Tucson ah oo isku dayey iney ka mid noqdaan dagaalyahanada kooxda Daacish/ISIS ayey xukuntay Maxkamad heer Federaal ah,kuna kala xukuntay Xabsiyo iyo Musaafurin,sida ey sheegeen dacwad oogayaasha heer Federaal. Axmed Mahad Maxamed oo 27-jir ah iyo Cabdi Yemani oo 26-jir ah,waxay labaduba ahaayeen mawaadiniin Soomaaliyeed oo ku noolaa magaaladda Tucson xilliga la xiraayey sannadkii 2019-kii waxaane la xukumay todobaadkii hore. Garsoore Jennifer G,Zipps,ayaa Maxamed ku xukumay 132-bilood una dhiganta 11-sano oo xarig ah, Xuseen oo isagana lagu xukumay 96-bilood una dhiganta 8-sano oo xarig ah,sida uu ku sheegay War Saxaafadeedkiisa Xeer ilaaliyaha Maraykanka. Labada nin oo qirtay dembiga ah iney maleegayeen iney taageero agab ah u fidiyaan Urur loo aqoonsaday inuu yahay Argagixiso shisheeye ee ah dawaladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Suriya(ISIS),waa in la masaafuriyaa ka dib markii ey dhammaystaan muddada xabsigooda,Xafiiska Xeer ilaaliyaha Maraykanka ayaa sidaas ku sheegay war uu soo saaray. Xiriirka u dhexeeyey Maxamed iyo Xuseen inta u dhexeysay Agoosto ilaa Juulay-2019-kii oo ah waqtigii labadooda la xiray ayaa muujinaayo iney ka wada hadleen oo ey isla qorsheeyeen rabitaankooda ah iney u safraan dalka Masar kana barbar dagaalamaan ISIS ee gacanka Siinaay ee dalka Masar,ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka. Labada eedeysane ayaa iska iibiyey baabuurtoodii ey iska lahaayeen,waxa eyna ku iibsadeen Tikid diyaaradeed uu khadkiisu yahay Tucson ilaa Qaahira ee dalka Masar. Subaxnimadii bisha Juulaay ey ahayd 26-ka ee sannadkii 2029-kii,labada eedeysan waxa ey hubiyeen duulimaadkooda Garoonka Caalamiga ah ee Tucson,waxa ey soo mareen baaritaan Amni waxayna u lugeeyeen albaabka laga galo halkii ey diyaaradda ka raaci lahaayeen,sida lagu sheegay hadal la sii daayey. Maxamed waxa uu sitay ku dhawaad ilaa $10-kun oo doolar oo isaga iyo Xuseen u qorsheeyeen iney u adeegsadaan kharashka safarkooda iyo iibsashada hubka marka ey gaaraan dalka Masar,waxa ey damceen iney si qarsoodi ah u galaan dhulka ey Daacish/ISIS maamusho,sida lagu sheegay war Saxaafadeed laaakinse waxaa soo xirtay Hayadda FBI-da ka hor inta eysan raacin diyaaradda geyn leheed dalka Masar.

ISHA-ADS.