SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

URURKA UPU OO DEYN KA CAFIYEY SOOMAALIYA.

(SAWIR)-KA. SHIRKII UPU IYO SOOMAALIYA.

(GENEVA)-Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Xildhibaan Maxamed Adan Cali Macallin Cali(Soomaali) oo maalmahan ku sugnaa magaaladda Geneva ayaa ku kicitimay magaaladda Berne ee wadanka Switzerland si kulan gaar ah ula yeesho Mr.Masahiko Metoki oo ah Agaasimaha Guud ee Midawga Boostada Adduunka(UPU) oo halkaasi tahay xaruntooda. Socdaalka Wasiirka ayaa ahaa in Soomaaliya laga cafiyo deynta lagu lahaa oo ku dhaw 2-Milyan oo Doolarka Maraykanka ah isuguna jirta Qaaraanka Xubinimadda oo dhan 1-Milyan oo doolar iyo dulsaar aruuray kaaso ka bilawday Bishii Sebtembar sannadkii 1982-dii ilaa 2018-kii. Agaasimaha Guud ee UPU Mr.Masahiko ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyey deyntii lagu lahaay maadaama ey buuxisay shuruudihii laga rabay. Deyn cafinta Soomaaliya waxa ey si rasmi ah u noqotay Xubin Buuxda oo ka tirsan Midawga Boostada Adduunka(UPU) iyadoo laga qaaday xanibaadii saarneed. Wasiirka Isgaariisnta Md.Maxamed Soomaalia oo sharaxaayey qorshaha ey Wasaaradu u dejisay soo nooleynta Boostada ayaa sheegay in hawlo badan laga qaban doono dejinta siyaasadihii iyo qorshayaashii lagu hagi lahaa Boostada dalka,tababarka iyo tayeynta shaqaalaha Boostada,helitaanka agabkii lagu shaqeyn lahaa iyo dib u dhiska Xarumihii Boostada ee magaalooyinka waa weyn ee dalka Soomaaliya. Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa uga mahad celiyey UPU taageeradii kala duwaneed ee ey siisay Soomaaliya sannadihiii la soo dhaafay,kuwaas oo ey ka mid yihiin in la fududeeyey in Boostadu dalka timaado,inkastoo ey xayiraad dalkeena ka saaran tahay inaan dalka dibaddiisa wax u dirno iyadoo Wasaaraddu ku hawlan tahay in la dhammaystiro qorshaas.

ISHA/SNTV.