SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

URURKA MIDAWGA AFRIKA OO KA HADLAY…

(SAWIRKA)-GOLAHA MIDAWGA AFRIKA.

(MUQDISHO)-Golaha Nabadda iyo Amaanka ee Ururka Midawga Afrika(PSC) ayaa Arbacada maanta ah waxa uu walaac xoogan ka muuijyey xiisadda ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya,ka dib markii ey kala saxiixdeen heshiiska gelitaanka Badda cas. Heshiiskii u dhexeeyey Itoobiya iyo maamul goboleedka Soomaaliya ee Soomaaliland ayaa Janaayo kowdeedii lagu saxiixay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa waxa uuna Heshiiskaasi dhihayaa in labaatan Kiilomitir oo badda ah laga kireeyo dawladda Itoobya. Goluhu wuxuu ka digay saamaynta xun ee uu heshiisku ku yeelan karo Nabadda,Amaanka iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika, Waxay “si aan mugdi ku jirin u xaqiijisay go’aankeeda adag iyo taageerada ey u hayso ilaalinta Midnimada,Wadajirka dhuleed,Madax-banaanida dhammaan dawladaha xubnaha ka ah”oo ey ku jiraan kuwa Soomaaliya iyo Itoobiya. Golaha Nabadda iyo Amniga waxay ku boorisay labada dhinac iney u hogaansamaan oo ey hagaan mabaadi’ida Midawga Afrika(AU) iyo sharciga caalamiga ah ee xiriirka labada dal iyo kuwa caalamiga ah. Goluhu waxaa kale uu ku boorinayaa wadamadda dibadda ka ah Qaaradda Afrika iney u hogaansamaan mabda’a ah inaan la faragelin Arrimaha Gudaha ee labada dal ee deriska ah.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.