SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

URURADDA SADC IY EAC OO KA SHIRAY XAALADDA DRC.

(SAWIRKA)-WADAMADA XUBNAHA KA AH SADC.

(SOUTH AFRICA)-Hogaamiyeyaasha Wadamadda ku bahoobay Ururka Horumarinta Bulshada Koonfur Afrika(SADC) ayaa ku heshiiyey in shir Madaxeedka wada jirka ah oo ey la yeelanayaan dhigooda Ururka Bulshada Bariga Afrika(EAC) si ey uga wada hadaan sidii loo soo afjari lahaa xiisadda ka taagan Bariga Jamhuuriyadda Dimuqaradaadia Koongo(DRC),halkaas ey falaagadda M23 ey ku qabsadeen dhul balaaran. Hogaamiyeyaasha SADC oo Jimcihii shir aan caadi ahayn ku yeeshay magaaladda Harare ayaa walaac ka muujiyey xaaladda amaanka ee DRC oo sii xumaaneysa ka dib markii jabhadda M23 ey weerar ku qaaday Ciidamadda Nabad Ilaalinta ee ka tirsan Ururka Isbahaysiga ee Gobolka oo u dhaqaaqay iney qabsadaan magaaladda weyn ee GOMA todobaadkii hore. War Murtiyeed laga soo saaray shir Madaxeedka ayaa lagu sheegay in Xabad Joojin deg deg ah la sameeyo,lagana wada hadlo sidii loo soo afjari lahaa colaada barakicisay Malaayiin qof. “Shirku wuxuu ku baaqay in shir deg deg ah oo wada jir ah oo ey wada yeeshaan Ururadda SADC iyo EAC si looga tashado sidii hore loogu socon lahaa xaalada Amniga ee dalka DRC”,ayaa lagu yiri War Murtiyeedka. Madaxweynaha dalka Jamhuuryadda Dimuqaraadiga Koongo(DRC)-Felix Tshisekedi oo Arbacadi diiday inuu ka qeybgalo shir Madaxeedka EAC oo looga hadlaayey iska horimaadka ka jira dalkiisa,waxa uuna ka qeybgalay shir SADC ee Harare,kaaso dalkiisa uusan Xubin ka ahayn. Ciidamadda Falaaga M23 ey gadaal ka taagan tahay dawladda Ruwanda ayaa qabsaday magaalooyinka SAKA iyo GOMA ee bariga dalka DRC,waxa eyna halkaasi ku dileen ilaa 20-qof aan ahayn dad u dhashay dalka Koongo kana tirsanaay Ciidamadda Nabad Ilaalinta iyo UN-ka. Inta ilaa hadda la xaqiijiyey iney dhinteen waa ilaa 20-qof,kuwaaso 14-ka mid ah ey yihiin kuwa dhashay dalka K/Afrika, labana ey yihiin dalka Tanzaniya,seddex-ne kalane ey yihiin kuwa u dhashay dalka Malaawi,midne uu yahy shaqaale ka tirsan UN-ka welina lama xaqiijin dalka uu ka soo jeedo.

ISHA-EA.

HALKAN KA SII AKHRISO.