SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

URURAD 9-AAD IYO 10-AAD EE GORGOR OO GAARAY WISIL.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED.

(MUDUG)-Weli waxaa si aan hakad lahayn uga socdo dawlad Goboleedka Galmudug dagaal aad u xoogan oo lagula jiro kooxda Alshabaab,dagaalkan ayaa hadda maraayo gabgabo waxa eyna kooxda isugu soo ururtay degaanada kala ah Koonfurta Mudug gaar ahaan degaanka Shabeelaw oo hadda ah halka la rabo in lagu gumaado laguna xasuuqo kooxda Alshabaab,sidoo kale kooxda ayaa hadda isku soo koobtay degmada C/buur iyo degaanka Galhareeri oo dhammaantood ka wada tirsan Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya,hadaba laba urur oo ka tirsan guutada 18-aad ee ciidamadda GorGor oo maalmo ka hor ka baxay magaaladda Muqdisho ayaa maanta oo sabti ah(14/10/23)-ka waxa ey safar dhinaca dhulka ah ku gaareen degmada Wisil ee goblka Mudug,saraakiisha la socotay ciidamadaan ayaa sheegay iney ka dagaalami doonaan degaanada ey Alshabaab kaga hareen Gobolka Mudug uuna ugu horeeyo degaanka Shabeelaw,labada urur ee GorGor ka tirsan ayaa kala ah 9-aad iyo 10-aad waxa eyna safar uga bexeen Muqdisho ayagoo dhexmaray Goboladda Dhexe ee Soomaaliya.

ISHA/CAASIMADA.

HALKAN KA SI AKHRISO.