UN-KA OO QEYLIYEY SHURUUCDA DALKA IRAAN EE…
(SAWIRKA)-IRAAN IYO XIJAABKA DUMARKA.
(TEHRAN)-Horaantii sannadkan-2023-ka ayey ahayd markii uu dalka Iraan uu soo saaray sharci dumarka reer Iraan faraayo iney qaataan Xijaabka,dhaqan gelintan sharcigaan ayaa waxaa loo xilsaaray booliska Anshaxa ee dalka Iraan,shaqada booliska Anshaxa ayaa ahayd iney soo qabtaan dumarkii aan wadan Xijaabka gudaha dalka iraan waxaane dhacday in booliska Anshaxa xabsigooga ku yaalo Tehran iney ku geeriyooto gabar la yiraahdo Mehsa Amini ka dib markii ey ka soo qabteen gudaha caasimadda Tehraan ayada oo aan Xijaabneyn sida ey ayagu sheegeen,dhimashada Mehsa ayaa waxaa ka dhashay banaanbaxyo sababay dhimasho fara badan waxaane dawladda Iraan qasab ku noqotay iney baabi’iyaan booliska Anshaxa ee ku shaqada lahaay la socodka dumarka aan qaadan Xijaabka gudaha dalka iraan. Hadaba dalka Iraan ayaa hadda waxa uu soo saaray shuruuc cusub kuna saabsan Xijaabka iyo dumarka aan soo qaadan,sharcigaan ayaa ka kooban xarig gaarayo ilaa toban sano oo xabsi ah iyo ganaaxyo fara badan oo kala qiima ah,arrintaan cusub ayaa waxaa ka horyimid Qaramada Midoobe xafiiskeed Xuquuqda dadka.
ISHA/ARAB.