SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

UN-KA OO FARAQA HAYSATA DALKA LIIBIYA.

(GENEVE):Ciidamadda amaanka ee dalka Liibiya ayaa isticmaalay xoog aan loo baahnayn una dhigmin in loo isticmaalo dadka ka kooban muhaajiriin iyo qaxooti markii la raafaayey amaba la soo xirxiraayey dadkaan qaarkood ayey ciidamadda amaan ee Liibiya toogteen waxaane la soo sheegay ineey dhinteen shan qofood waxaane dhaawcamay tiro intaas ka badan ka dib markii eey isku dayeen ineey ka baxasdaan xeradii lagu haayey.Xafiiska qaramadda midoobe u qaabilsan xuquuqul insaanka ayaa sidaas sheegay maanta oo Talaado ah(12/10/2021)-ka,waxa uuna xafiiska intaas raaciyey inuu dalbanaayo in la sameeyo baaritaan la xiriiro rabshadahaas dhacay.Ciidamadda amaanka dalka Liibiya ayaa waxa eey si ka baxsan bani’aadanimadda ula dhaqmeen dad maati ah sida dumar iyo caruur markaas dhalatay,qaar ka mida dadka la soo raafay ayaa sheegay inuu raafku si gaar ah u taabtay dadka ka yimid Afrikada Madaw.XIGASHO WAKAALADAHA.

HALKAAN KA SII AKHRI.