SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

UN: ISRA’IIL OO KU BIIRAYSA LIISKA MADAW.

(SAWIRKA)-CARUUR KU DHAAWACANTAY WEERARADA ISRA’IIL EE MARINKA GAZA.

(ISTANBUL)-Qaramadda Midoobe ayaa go’aansatay iney Isra’iil ku darto liiska Madaw(Blacklist) ee dalalka iyo Ururadda waxyeeladda u gaysta Caruurta ku nool goobaha ey Colaaduhu ka jiraan. Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobe Antonio Guterres ayaa go’aanka ku wargeliyey u qeybsanaha ciidamadda Isra’iil ee joogo Washington S/Gaas.Hedi Silberman,sida uu sheegay maanta oo Jimca ah. Antonio Guterres ayaa lagu soo waramayaa inuu sheegay in Isra’iil lagu deraayo liiska Madaw iyadoo ey barbar socoo Ruushka iyo Ururadda Argagixisadda sida ISIS/Daacish,AL-Qaacidda iyo Boko Xaaraam,waxaane la sheegaa in Isra’iil ey dadaal adag ugu jirto iney Guterres ku qanciso sidii uu dib u eegis ugu sameeyo lahaay go’aankan ka hOr inta eysan Isra’iil ka soo muuqan liiska lagu wado inuu soo baxo ama la soo daabaco todobaadka soo socdo,arrintaan haddii ey soo baxdo Isra’iil ayaa wajahi doonto cunaqateyn dhinaca hubka oo kaga timaado wada adduunka ee maanta Isra’iil ka iibiya hubka. Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda ayaa Isra’iil ku eedeysay iney xasuuq ka gaystaya dhulka Falastiin waxa eyna Isra’iil ka dalbatay iney joojiso hawlgalkeed magaaladda ku taalo Koonfurta Marinka Gaza ee Rafax halkaaso ey ku nool yihiin in ka badan hal milyan oo Falastiiniyiin ah kana soo barakaca goobaha uu ka socdo dagaalka.

ISHA/AA.