UK OO CIIDAMADDA SOOMAALIYA UGU DEEQDAY…
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA XOOGA DALKA SOOMAALIYED.
(SOMALIA)-Dalka Ingiriiska waxa uu ka mid yahay dalalka Gumaystay dalka Soomaaliya gaar ahaan dalka Ingiriiska waxa uu gacanta ku haayey gobolada Waqooyiga dalka Soomaaliya ee hadda loo yaqaan Somaliland,hadaba shir dhexmaray la taliyeyaasha dhinaca Amniga ee dalalka Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali iyo la taliyaha amniga dalka Ingiriiska haweeneyda la yiraahdo Dame Sarah Maclntosh ayaa waxaa lagu go’amiyey in dalka Soomaaliya la siiyo lacag dhan shan milyan oo giniga Ingiriiska ah una dhiganta $6,196.300 doolarka Maraykanka ah lacagtaas ayaa lagu taageerayaa ciidamadda XDS waxaane la soo marsiinayaa UNSOS oo ah hayadda Qaramada Midoobe u qaabilsan dalka Soomaliya.
ISHA /VOA-SOMALI.