SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

UK IYO US OO MAR KALE WEERARAY XUUTIYIINTA.

(SAWIRKA)-WEERARKII SHALAY LAGU QAADAY XUUTIYIINTA.

(WASHINGTON)-Ciidamadda Maraykanka iyo Ingiriiska oo taageero ka helaayo xulafada kale ayaa shalay oo Isniin ahayd duqeymo la beegsaday sideed bartilmaameed oo leeyhiin Xuutiyiinta dalka Yeman taaso jawaab u ahayd weerarada kooxda Xuutiyiinta ee Badda Cas sida lagu sheegay bayaan wadajir ah ey soo saareen labada dal. “Ciidamadda Maraykanka iyo Ingiriiska oo ka duulaayo jihaynta dawladahooda taagerana ka helaayo wadamadda Australia,Baxreyn,Kanada iyo Netherland waxay qaadeen weeraro dheeri ah oo saami qeybsi ah oo lama huraan ah oo ka dhan ah sideed bartilmaameed ey leeyihiin Xuutiyiinta Yeman si ey ugu jawabaan Xuutiyiinta”. “Weerarada joogtada ah ee ka dhanka ah Maraakiibta caalamiga ah iyo kuwa Ganacsiga iyo sidoo kale Maraakiibta u kala gooshta Badda Cas”ayaa lagu yiri bayaanka wadajirka ah. Weerarada saxda ah ayaa la doonayaa in lagu carqaladeeyo laguna dhimo awoodaha Xuutiyiinta ey u adeegsadaan khatarta Ganacsiga caalamiga ah iyo nolosha badmaaxiinta ayey tiri warbixintu.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.