SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

UGANDHA OO KA HADASHAY…

CIIDAMADDA ATMIS.

(KAMPALA)-Weerarkii Jimcaha ayaa imaanayo waqti uu sii dhammanayo hawlgalka ciidamadda nabad ilaalinta ee Atmis iyo ciidamadda ey dawladaha ku tabaruceen ey wada diyaarinayaan qaabkii amniga dalka Somaliya gacanta loogu gelin lahaay ciidamadda Qaranka Soomaaliya(SNA). Todobaadkii tegay dawladda Ugandha waxa ey boqolaal askeri oo ah ciidamadda gaarka ah ee Soomaaliya soona dhammaystay tababar uga socday xero mileteri oo ku taalo galbeedka dalka Ugaandha gacanta ka saaray dawladda Soomaaliya. Walaw la dhimayo ciidamadda,Atmis waxa ey la shaqeynaysa shanta dal ee ku tabarucay ciidamadda(TCC),wadamadaan ayaa waxaa ka mid ah “Ugandha,Burundi,Kenya,Itoobiya iyo Jabuuti”. Ciidamadda nabad ilaalinta ee Midawga Afrika(Atmis) ayaa ka hawlgala Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya,halka ey ciidamadda ilaalada shacabka Ugandha(UPDF) ey ka hawlgalaan gobolka Banaadir,caasimadda Muqdisho iyo gobolka Shabeelada Hoose. Si kastaba ha ahaatee,tirada ciidamadda dalka Ugandha ayaa dhan 1,500-askeri waxa eyna ka qeybgalaan goobaha dagaalka. Askarta ka soo laabata forimaha dagaalka waqtigaan ayaa kor loo qaadaa gunooyinka la siiyo ayadoo la tixraacayo ilo amni ee Bariga Afrika,Walaalahayna Wargaysyada oo tixraacaayo deymaha aan weli bixin taaso ka fog ku laabashada dagaalka ee kooxda sodonaad. Ciidamaddii ugu dambeyey ee la qaaday ayaa waxaa sabab u ahaay deyntooda aan la bixin waxa eyna ciidamaddaasi ka soo laabteen dalka Soomaaliya Dec/31/22-kii. Ciidamadaas ayaa sheegtay inaan la siin lacag muddo sannad ah(12-bilood),sida ku qoran waraaqaha ergada ciidamadda nabad ilaalinta ayaa la rabay iney bixiyaan lacagta tiro ahaan isla eg oo dhan $460 bishiiba. Tani waa dhimid aad u weyn oo lagu sameeyey lacag geli lahayd jeebka askarta nabad ilaalinta taaso bishiiba ey ahayd iney noqoto$1,028,ka dib markii ergada ey bilaabaysay shaqada sannadkii 2007-dii. Waxaa la jaray miisaniyadda kaligeed oo kor u haysay xarkaha Midawga Yurub oo masuul ka ah dhimida la sameeyey. Si kastaba,jiritaanka sii socoshada bixinta lacagta miisaaniyada ah ee aan la hubin cadaymohooda ku soo noqnoqonayo ciidamadda nabad ilaalinta Ugandha taaso tilmaameyso in ciidamadda Ugandha ey la kulmi doonaa bilo kale gedisan oo aan la siin mushaar. Kooxaha ka soo laabtay goobaha dagaalka bishii Noofemba-2021-kii tusaale ahaan ayaa sheegay iney joogeen mushaar la’aan muddo dhan sagaal bilood.

DHAMMAAD.

ISHA WARKA UGANDHA.