TURKIGA OO XIRAY DAD DHAN 38,117-QOFOOD OO..
(TURKIGA)-Dalka turkiga ayaa xabsiga u taxaabay dad dhan 38,117-qofood oo ah muhaajiriin aan haysan sharci marka laga soo bilaabo sannadkii 2016-kii,Sida eey sheegtay hayadda Turkiga u qaabilsan muhaajiriinta maanta oo Arbaca ah(20/4/2022)-KA.Sida ku cad warbixinta agaasinka guud ee maamulo muhaajiriinta waxaa gacanta lagu dhigay dad garaayo 9,200-qofood oo ah kuwa wax tahriibiyo waxa eeyna hadda ku jiraan xabsiyadda dalka turkiga oo waxa eey sugayaan Maxkamad.Tirada kuwa wax tahriibiyo ayaa korortay sannadkan 2022-ka waxa eeyna gaarta 53% marka la barbardhigo sannadkii hore 2021-kii kaaso la diiwaan geliyey dad dhan 2,545-qofood,dhinaca kalane dalka turkiga ayaa waxa uu martigeliyaa qaxooti u badan dalka Suuriya waxaane dalkaas hadda ku sugan 3.6-milyan qaxooti oo reer Suuriya ah haystana sharciga qaxootinimo ee dalka Turkiga iyo 320,000-qofood oo qaxooti ah kana soo kala jeeda dalal kale sida Afgaanistaan,Soomaaliya oo iayaguna haysto aqoonsiga qaxootinimo ee dalka Turkiga IWM.
XIGASHO ANADOLU.