TURKIGA OO XIRAY 9-QUNSULIYADOOD.
(TURKEY):Sida laga soo xigtay idaacadda dalka Jarmalka ee DEUTSCHE WELLE wasaartadda arrimaha ee dalka Turkiga ayaa albaabada isugu dhufatay xafiisyo sharafeedyo ka furnaay dalkooda eeyna leeyihiin safarado ajnabi ah,waxaa kaloo eey wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga baabi’isay kaararkii aqoonsiga ee xafiisyo sharafeedyada safaaradahaas,xasiisyadaas la xiray ayaa waxaa kala lahaay Swden oo ku yiil Antalya,Ingiriiska oo ku yiil Mugla,Biljamka iyo Austria oo kuwada yiil Izmir,Romaaniya oo ku yiilI Skenderun,Itoobiya oo ku yiil Konya,Domenica iyo Belizean oo kuwada yiil Istambuul iyo Lithuania oo ku yiil Nevseher.
Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa safaadaha dalalkaas waxa eey ku wargelisay ineey baabi’isay kaararka diblomaasiyadeed bishii oktoobar laba iyo tobankeedii(12/10/2021)-ka sida eey sheegtay idaacadda DEUTSCHE WELLE,arrintaan ayaa timid ka dib markii qunsuliyadda dalka Sweden ee magaaladda Istambuul eey soo saartay qoraal eey ku qortay Wesite-keeda maalintii Arbacada ahayd waxa uuna qoraalka u qornaay sidaan’Xafiis sharafeedka Sweden ee ka furan Antalya ma awoodi doono inuu bixiyo wax adeeg ah oo eey leedahay qunsuliyadda ilaa amra dambe’.ISHA AHVAL.