TURKIGA OO KA CAROODAY…
(SAWIRKA)-MADAXWEYNEYAASHA TURKIGA IYO RUUSHKA.
(ANKARA)-Dalka Turkiga ayaa uga digay dalka Ruushka inuu ku fogaado xiisada ka dib markii markab xamuul oo laga leeyahay dalka Turkiga ey weerareen ciidamadda Badda dalka Ruushka todobaadkii ina soo dhaafay,sidaas waxaa laga weriyey inuu sheegay Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan shalay oo Khamiis ahayd. “Faragelintii Ruushka ka dib,dadkii inagala soo xiriiray Ruushka waxaa looga digay iney ka fogaadaan isku daygaas oo kale waayo waxa ey ka sii daraysaa xiisadda ka taagan badda Madaw”sidaas waxaa lagu xusay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada dalka Turkiga. Axadii la soo dhaafay ayey ahayd markii ey ciidamadda Ruushka ey rasaas huwiyeen Markabka Sukru Okan kaaso sitay calanka Palau,intaas ka dib ciidamadda badda ee dalka Ruushka ayaa koray markabkii si ey baaritaan ugu sameeyaan ka hor inta aaney markabka u ogolaanin inuu sii wato safarkiisa ku wajahnaay xeebta Izmail ee dalka Yukrayn,waane halka laga dhoofiyo dalaga ugu badan ee dalka Yukrayn beerihiisa ka soo go’a. Dhacdadaan ayaa timid ayada oo ey sii kordhayaan weerarada ka dhaca badda madaw ka dib markii uu dalka Ruushka isaga baxay heshiiskii lagu daabulaayey miraha ka soo go’a dalka Yukrayn si loo gaarsiyo wadamada u baahan,dalka Turkiga ayaa heshiiskan gacan ka gaystay dhexdhexaadintiisa waxaa taageertay Qaramada Midoobe ayadoo adeegsaneyso xiriirka wanaagsan ee kala dhexeeyo dalalka Ruushka iyo Yukrayn. Madaxtooyada dalka Turkiga ayaa cambaareyn weyn waxa ey kala kulantay gudaha dalka Turkiga waayo waxba ma aysan ka dhihin wixii dhacay,Madaxtooyada ayaa ayadana dhinaceed iska caabisay cambaareynta loo soo jeediyey shalay oo Kahmiis ahayd,Madaxtooyada ayaa ku dooday in shirkada Palau waajib ka saarnaay iney ka jawaabto dhacdadaas,”Haddii milkiilaha markabka Sukru Okan yahay Turki markabku ma aha mid sita calanka dalka Turkiga”sidaas waxaa tiri Madaxtooyada dalka Turkiga. “Marka la eego sharciga caalamiga ah calanka dalka ayaa ka muhiimsan magac iyo shaqsiyada shaqaalaha”. Palau ayaa ah Jaziirad ku taalo badweynta basifiga oo calankeedu ey inta badan isticmaalaan shirkadaha maraakiibta si ey si xor ah u galaan dekedaha caalamiga ah.
ISHA/OVA.