TURKIGA OO KA CABAADAY EEDEYNTA MUCAARADKA DAWLADDA SOOMAALIYA.
Tan iyo sannadkii 2010-kii dalka turkiga waxa uu kaalmo bini’adanimo la garab taagnaay dalka soomaaliya waxa uuna noqday dal laga jecel yahay gudaha soomaaliya oo dhan,hadaba maxaa keenay in musharixiinta xilka madaxweyne ee sannadka 2021-ka eedeeyn adag u soo jeediyaan dalka Turkiga?
Ka dib markii uu dhammaaday waqti xileedkii madaxweyne Farmajo 8/2/2021-ka eeyna jirin ififaal uu dalka uga dhici karto doorasho wada ogol ah ayey xukuumadda xilgaarsiinta ah bilawday ineey isticmaasho awooda ciidamadda qalabka sida gaar ahaan ciidamadda uu tababaray dalka turkiga kalana ah HARAMCAD IYO GORGOR si eey u caburiso siyaasiyiinta ka aragtida duwan Farmajo waxaane dhacday in 19/2/2021-ka la weeraro hoteel eey deganaayeen madaxweynayashii hore Sheekh shariif iyo Xasan Sheekh waxaane halkaas ka dhacay dagaal aad u adag loogana awood roonaaday ciidamdii soo weerargalay rabayne ineey ka takhalusaan madaxdii hore,waxane halkaas ka bilawday in eedeyn adag loo jeediyo dawladda Turkiga oo tababartay,qalabaysayna ciidamada weeraray madaxdaas eedayntaas ayaa waxa eey ka careeysiisay dawladda Turkiga oo aan rabin in sumcadeeda xumaato gudaha soomaaliya,Garawe Online oo ah wargays soomaaliyeed kana hadlo arrimaha soomaaliya ayaa waxa uu daabacay dhawr qoraal uu kaga hadlaayo ciidamada Turkigu tababaray iyo eedeymaha loo jeedinaayo xukuumadda turkiga waxaane taas ka dhashay in mid ka mida wargaysyada taabacsan dawladda turkiga ka jawaabo eedeymahaas,waxaaen wargayskaas la yiraahdaa AHVAL waxa uuna qoray maqaal uu ugu magac daray TURKEY HAS AMBITIONS IN SOMALIA.