TURKIGA OO GACANTA KU DHIGAY SHABAKAD REER IRAAN AH.
(TURKI):Sida eey sheegeen hayadaha amaanka ee dalka Turkiga maanta oo Arbaca ah(13/10/2021)-ka sirdoonka(MIT)iyo booliska dalka Turkiga oo iskashanaayo ayaa ka hortegay shabakad jaasuusiin ah oo isku xiran una dhalatay dalka Iraan bariga dalka Turkiga,sideed ka mida shabakaddaan eeyna ka mid yihiin laba sirdoon oo reer Iraan ah ayaa gacanta lagu dhigay markii uu dhacay hawlgalka eey si wadajirka ah u sameeyeen sirdoon(MIT) iyo booliska dalka Turkiga afar iyo labaatankii bishii hore ee Sebtembar-2021-ka.Sirdoonka ree Iraan ayaa la soo helay ayagoo isku dayaayey ineey sameeyaan shabakad eey samaynteeda ugu talagaleen lacag dhan sodon kun oo doolar($30,000),shabakadaan ayaa loo qorsheyey in laga sameeyo degmo ka mida dalka Turkiga gudihiisa,ujeedada shabakadaan ayaa lagu sheegay ineey soo afduubaan dibna ugu celiyaan askeri reer Iraan ah una soo baxsaday dalka Turkiga.XIGASHO ANADOLU.