SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

TURKIGA OO DHEXDHEXAADIN KA DHEX WADA SOOMAALIYA IYO…

(SAWIRKA)-WASIIR FIQI IYO DHIGIISA TURKIGA HAKAN FIDAN.

(ANKARA)-Wufuud ka kala socoto dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa maanta oo Isniin ah ku kulmi doono dalka Turkiga,taaso qeyb ka ah dadaaladda loogu magac daray Geedi Socodka Ankara si loo qaboojiyo xiisaadda u dhexeyso labada dal ee Geeska Afrika. Ka dib booqaasho uu ku tegay dalka Itoobiya Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan iyo xiriiro kale uu la sameeyey dhinaca Soomaaliya,labada wafdi waxay isugu imaanayaan caasimadda Ankara oo wejigii labaada ee wada hadaladda ey yeelan doonaan12-ka Agoosto-2024-ka halkii markii hore lagu heshiiyey in ka kulmo labada bisha soo socoto ee Sebtembar-2024-ka. Sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed,dhinacyadu waxay isku dayi doonaan iney meel dhexe ka gaaraan iyadoo la tixgelinaayo baahidda iyo walaaca Soomaaliya iyo Itoobiya. Horaantii bishii Luuliyo waxaa magaaladda Ankara ka dhacay wareegii ugu horeeyey ee wada hadaladda aan tooska ahayn ee u dhexeeyey Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sii xumaaday tan iyo markii Itoobiya ey heshiis Xaaraan ah ey la gashay maamulka Gooni isutaaga ah ee Soomaaliland koowdii bishii Janaayo ee sannadkan 2024-ka. Dalka Turkiga oo saaxib la ah labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dadaal adag ugu jira sidii loo soo afjari lahaay xiisadda u dhexeeyso labadda dal ee Geeska Afrika(Soomaaliya iyo Itoobiya).

ISHA/AA.