TURKIGA OO DALKEEDA KA TARXILEYSA…
SAWIRKA DAVIS WAA KAN WATA JAAKADA MADAW.
(TURKIGA)-Nin ku eedaysanaay inuu xubin ka ahaay Daacish(ISIS) gaar ahaan ka tirsanaay unuga Daacish u qaabilsanaay dilka loona yaqaan(THE BEATLES) ayaa loo diyaariyey in loo tarxiilo dalka Ingiriiska isagoo laga soo qaadaayo dalka Turkiga maalmo gudahood. Ain Davis ayaa ah nin asal ahaan ka soo jeedo magaaladda London ee dalka Ingiriiska,Davis ayaa lagu helay inuu xubin ka ahaay kooxda Daacish sannadkii 2017-kii waxa eeyna maxkamad ku xukuntay todobo sano iyo bar xabsi ah ka dib markii eey ciidamadda amaanka ee dalka Turkiga eey soo qabteen sannadkii 2015-kii gudaha magaaladda Istambuul,Davis ayaa hadda lagu haayaa xabsiga Sincan ee magaaladda Ankara ee dalkaasi Turkiga,waxaane Davis loo qorsheeyey in dib loogu celiyo dalka Ingiriiska 9/7/2022-ka.
ISHA WARKA MEE.