SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

TURKIGA OO BILAABAY DHEGAYSIGA DACWADA…

(TURKIGA):Marka laga soo bilaabo bishii Oktoobar ee sannadkaan-2021-ka dalka Turkiga waxaa ka socotay qadiyad la xiriita Jaajuusnimo qadiyadaan ayaa waxaa loo qabtay dad gaaraayo ilaa shan iyo toban(15)-qofood oo u badan dad ka soo jeedo wadamadda Carabta,arrintaan ayaa waxaa ka hadlay madaxa amniga gudaha dalka turkiga waxa uuna sheegay in dadkaan la qabtay eey faraha kula jireen Jaajuusnimo waxa eeyna u adeegaayeen sirdoonka Israa’iil ee loo yaqaan MOOSAAD,laakinse Moosaad ayaa iska fogeeysay eedeynta Turkiga ee la xiriirta ineey jiraan dad Carab ah una adeegaayo Israa’iil kuna sugan gudaha dalka Turkig.Turkiga oo arrintaan u arkaayey mid leh culayskeeda ayaa waxa uu xooga saaray sidii uu uga gun gaari lahaay ugana dhallin lahaay natiijo muuqata waxa uuna maanta oo Jimca ah(2/12/2021)-ka soo saaray war la xiriiro qadiyadaan Jaajuusnimo,xeer ilaaliyaha guud ee dalka Turkiga ayaa maxkamadda ka dalbaday in labaatan(20)-sano oo xarig ah lagu xukumo dadka lagu tuhmaayo ineey Jaajuus u ahaayeen Israa’iil,dadkaan loo haysto Jaajuusnimada ayaa waxay jaajuusayeen ciidamadda dalka Turkiga iyo siyaasadda dalkaas,tiradda dadkaan eey qabatay dawladda Turkiga ayaa lagu sheegay ineey dhan tahay lix iyo toban(16)-qofood intooda badan dadkaan ayaa waxa eey u dhasheen wadamadda Carabta,qadiyadaan Jaajuusnimo eey wadaan dad aan Israa’iil u dhalan ayaa waxaa ogaaday sirdoonka dalka Turkiga(MIT) oo faahfaahiyey qadiyadaan ka dib markii uu sameeyey dabagal huban kuna sameeyey kuwa la tuhmaayo,baaritaanka qadiyadaan ayaa waxaa ka qeyb qaatay sirdoon dhan ilaa laba boqol(200)-askeri.Xafiiska xeer ilaaliyaha Guud ee Turkiga ayaa gudbiyey liis eey ku qoaran yihiin lix iyo toban(16)-qofood oo la tuhmaayo waxaane ka mida arday dhigta kulliyadda caafimaadka ee dalkaas turkiga lana yiraahdo Maxamed A.Salhab,xogo uu bixyey wiilkaan ardayga ah ayaa lagu ogaaday in masuul sare oo ka tirsan Moosaad iyo wiilkaan ardayga ah ku kulmeen dibadda dalka Turkiga,C/qaadir Barakaat waa masuuka ugu sareey kooxdaan u adeegaysa sirdoonka Israa’iil shaqadiisana waxa eey ahayd qeybinta lacagta kooxdaan dibadda looga soo diro kana imaanaysay sirdoonka Israa’iil(Moosaad).Ka dib markii eey qirteen dadkaan la tuhmaayo wixii loo haystay ayaa waxaa soo baxay magac cusub oo tiradii ahayd shan iyo toban(15)-qofood ka dhigay lix iyo toban(16)-qofood waxaane la ogaaday inuu yahay mid ayaga ka tirsan bishii la soo dhaafay ee Noofembar-2021-ka,xeer ilaalinta Turkiga ayaa dalbatay in dadkaan la tuhmaayo lagu wada xukumo inta u dhexeeyso shan iyo toban(15) ilaa labaatan(20)-sano oo xarig ah waayo ayuu yiri xeer ilaaliyaha waxa eey Jaajuusayeen arrimaha ciidamadda iyo siyaasadda dalka Turkiga,dhegeysiga qadiyaan ayey maxkamadda Istambuul dib u dhigtay ilaa sideeda bisha Febaraayo(8/2/2022)-ka.

waxyaabaha yaabka leh eey soo ogaadeen sirdoonka dalka turkiga(MIT) ayaa waxaa ka mida ninka dhisay shabakadaan lana yiraahdo Axmed Zayd ahne sarkaal Mosaada kuna sugan dalka Jarmalka,Axmed ayaa dalka Jarmalka waxa uu ku joogaa baasboorka Israa’iil asal ahaane Axmed waa nin reer Falastiin ah,qaar ka mida shabakadaan uu qabtay Turkiga ayaa dibadda Turkiga waxa eey kula kulmeen sirdoonka Israa’iil(Moosaad) si loo soo siiyo tababar gaaban iyo qaabka eey u hawlgeli karaan ayagoo aan la ogaan,Tusaale ahaan Maxamed Sahlab kana mida shabakadaan ayaa saraakiil Moosaad ah la kulmay waqtiyo kala duwan sida bishii Juun-10-12-2021-ka,bishii agoosto-19-21-2021-ka.ISHA ARABICPOST.

HALKAAN KA SII AKHRI.