TURKEY:SUURIYIIN LAGU GUBAY TURKIGA.
(TURKIGA):Waxa aan wax badan ka qoray dhibaatooyinka lagu haayo dadka aan u dhalan Turkiga balse ku nool dalkaas turkiga,waxaan soo sheegay in la boobay lana xiray goobo ganacsi eey leeyihiin dad soomaaliyeed ayagoo aan loo sheegin sababta keentay in la xiro goobahooda ganacsi sida eey sheegeen ganacsatadaasi soomaaliyeed,hadaba arrintu markaan waxa eey mareeysaa in dab la qabadsiiyo dad nool oo iska hurda hooygii eey deganaayeen ayadoo aysan jirin wax eey galabsadeen balse eey tahay jinsi neceeyb iyo maxaad u nooshihiin.
Shir jaraa’id eey qabteen koox Turki ah una dooda xuquuqda aadanaha maalintii Arbacada ee la soo dhaafay ayey sheegeen in la gubay seddex qofood oo u dhalatay dalka Suuriya kana shaqeynaayey warshad ku taalo magaaladda Izmir ee dalka Turkiga,dadka sameeyey falkaan amaba lagu tuhmaayo ineey iyagu ka dameyeen ayaa la aaminsan yahay ineey yihiin CUNSURIYIIN iyo kuwa Neceyb u qaba dadka soo galootiga ah(XENOPHOPIA).Kooxda u dooda xuquuqda bani’aadanka ee Turkiga faracooda magaaladda Izmir toban iyo afar ka mida ayaa sheegay subaxii hore ee bishii Noofeembar-2021-ka dad aan la magacaabin balse ah mawaadiniin Turki u dhashay ah ineey Basiin ku shubeen qol ku yaalo warshadda sameysa dhagaxa halkaaso eey ku sugnaayeen Ma’muun Al-Nabhan oo 23-jir ah,Axmed Al-Cali oo 21-jir ah iyo Maxamed Al-Bish oo 17-jir,ragaan seddexda ah ayaa jiifay qolka Bansiinka iyo dabka la isugu daray dabadeedna holcay,shaqaalihii ee ku sugnaay warshadda ayaa isku dayey ineey caawinaan dhibanayaasha ka dib markii eey maqleen “NA CAAWINA”,si kastaba ha ahaatee shaqaalihii u dhashay Suuriya ee dabka la qabadsiiyey kuwoodii dhaawaca ahaay ayaa la geeyey isbitaalka asbuuc ka dib markii eey dhacday arrintaan foosha xun sida lagu sheegay warbixin laga soo saaray dhacdadaan.MEE.