SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

TURKEY: WIILKA MW-XASAN OO LAGA QAADAY AMARKII SOO XIRIDDA.

(SAWIRKA)-MAXAMED XASAN IYO NINKII SHILKA KU DHINTAY.

(ISTANBUL-TURKEY)-Wararka ka imaanayo dalka Turkiga ayaa sheegaayo in Maxkamda ku taalo dalkaasi Turkiga iney ka qaaday amarkii lagu soo xiraayey wiil uu dhalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ka dib markii uu ka qeybgalay dacwad Maxakamdeed ku saabsaneed shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac uu gaystay gaari ey iska leedahay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga balse uu weday wiilka MW-Xasan Sheekh Maxamuud,wiilka MW-Xasan Sheekh ayaa laga dhaafi doonaa dhegaysiga mustaqbalka ee kiiska. Maanta oo ah Sabti kuna beegan 13/1/24-ka saacadda Istanbul-ne ey ahayd 10:43-subaxnimo Maxkamad ku taalo dalka Turkiga ayaa laashay amar lagu soo xiraayey wiil uu dhalay MW-Xasan Sheekh Maxamuud kaaso lagu soo eedeeyey inuu galay shil baabuur kana dhacay magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga,sidaas waxaa sheegtay Wakaaladda Wararka Caalamiga ah ee Reuters,sidoo kale TV-ga dalka Turkiga ee TRT ayaa isagana sheegay in Maxkamadu laashay amarkii lagu xiraayey Wiilka MW_ Xasan Sheekh waxa uuna sabab uga dhigay in wiilka MW-Xasan uu ka qeybgalay dhegaysiga Maxkamada lagu qaaday shilkii dhacay 30/11/23-kii uuna ku dhintay nin u dhashay dalka Turkiga. Maxamed Xasan Sheekh Maxauud oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 30-kii bishii Nov-2023-kii isaga oo weday gaari ey iska leedahay Qunsuliyadda Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga waxa uu ku dhacay Mooto isaga oo maraayey bartamaha magaaladda Istanbul waxaane shilkaasi ku dhaawacmay nin ku shaqeysta Mooto ka dibne u geeriyooday dhaawicii soo gaaray,wiilka Madaxweyne Xasan ayaa dalka Turkiga isaga dhoofay 2/12/23-kii ka dib markii ey boolisku weydiiyeen su’aalo,waxaane la soo saaray amar lagu soo qabanaayo wiilka MW-Xasan ka dib markii uu geeriyooday ninkii mootada watay 6/12/23-kii. Wasiirka Cadaaladda dalka Turkiga Yilmaz Tunc ayaa bishii hore ee Diseembar sheegay in Maxamed Xasan uu ku soo labanaayo dalka Turkiga si uu uga qeyb qaato dacadda Maxakamadda ka taalo. Maxamed Xasan waxa uu yimid magaaladda Istanbul waxa uuna ka soo muuqday Maxkamadda shalay oo Jimca ahay kuna beegneed 12/1/2024-ka sidaas waxaa sheegay Tv-ga TRT,isagoo intaas ku daray inuu ku celiyey difaaciisii hore dhegaysiga. Maxamed Xasan ayaa mar sii horeysay u sheegay dacwad oogaha in darawalka Mootada weday uu masuul ka yahay shilka dhacay. Maxkamada ayaa go’aamisay in la qaado amarka lagu soo xiraayo Maxamed Xasan waxa eyna ka reebtay dhegaysiga dacwadaha dambe ee kiiskaan oo sii socon doono,balse Xeer ilaaliyaha ayaa daneynaayo in wiilka MW-Xasan lagu xukumo lix sano oo xabsi ah.

ISHA.SBM.