TOOGASHO KA DHACDAY SLOVAKIA.
(SAWIR)-KA. NINKII TOOGTAY RW-FICO.
(PRAGUE)-Reysal Wasaaraha Slovakia Robert Fico ayaa ku sugan xaalad aad u adag oo caafimaad ka dib markii uu dhaawac halis ah uu ka soo gaaray Toogasho lala beegsaday Galabnimadii maanta oo Arbaca ah,sida la soo qoray Bartiisa Facbook-ga. Fariin lagu daabacay Akoonkiisa ayaa lagu sheegay in RW-Fico”Lagu dhuftay dhawr xabadood oo hadda xaaladiisa caafimaad ey ku jirto halis, Waqtigaan xaadirka ah waxaa lagu qaaday diyaarad nuuca qumaatiga u kaca ah si loo geeyo Banska Bystrica waayo waxa ey qaadaneysaa si loo gaaro Bratislava sababtoo ah waxaa lagama maarmaan ah in la raaco habraac deg deg ah,waxaane la go’aansan doonaa saacadaha soo socdo”. Wararka laga helaayo TA3 oo ah TV-ga dalka Slovakia ayaa sheegay in Fico oo 59-jir ah ey caloosha kaga dhacday ka dib markii afar xabadood lagu toogtay banaanka guriga dhaqanka ee magaaladda Handlova,kaaso qiyaastii 150-kiilomitir(93-Mayl) Waqooyi-Bari ka xiga caasimadda Prague,halkaaso RW-Fico uu kula kulmaayey taageerayaashiisa,waxaane gacanta lagu soo dhigay qofkii lagu tuhmaayey inuu gaystay toogashadda RW-Fico.
ISHA/THE STAR.