TOOGASHO KA DHACDAY DALKA MARAYKANKA.
GOOBTA TOOGASHADU KA DHACDAY.
(NASHVILLE)-Toogasho uu gaystay qof saaran baabuur socdo ayaa shalay oo Sabti ahayd waxa ey ka dhacday degmada Nashville ee gobolka Tennesee ee dalkaasi Maraykanka. Toogashadaan ayaa waxaa ku dhaawacmay laba qofood kuwaaso la socday dad ka qeybgelaayey aas loo sameynaayey gabar lagu dilay toogasho dhacday horaantii bishaan Nofembar-2022-ka. Booliska ayaa sheegay gaariga uu saarnaay qofka wax toogtay inuu ahaay HONDA CIVIC oo lahayd Tag ku meel gaar ah,rasaasta ayaa lugta ka haleeshay gabar 18-jir ah iyo nin 25-jir ah oo isna rasaastu ka haleehsay Miskaha.
ISHA WARKA AP.