SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

TOOGASHO DAD KU DHINTAY OO KA DHACDAY…

(SAWIRKA)-BAABUURKA GARGAARKA DEG DEGA AH.

(JOHANNESBURG)-Booliska dalka koonfur Afrika ayaa maanta oo Khamiis ah sheegay iney soo xireen shan qofood oo lala xiriirinaayo toogasho culus ey ku dhinteen dad gaarayo lix qofood eyna ku dhaawacmeen afar qofood oo kale gudaha bariga gobolka Cap. Afhayeenka ciidamadda booliska dalka Koonfur Afrika Col.Priscilla Naidu ayaa sheegtay dadka lagu tuhmaayo iney gaysteen toogashada iney da’adoodu u dhexeyso 21-jir ilaa 31-jir lana soo wada xiray,waxaane si dhaqsi ah loo wada horkeeni doonaa Maxakamadda si loogu qaado dembiyada kala ah dil iyo isku day dil. Habeenimadii Talaada ee la soo dhaafay ayey rag hubaysan soo galeen gudaha dhul ku yaalo magaaladda KwaNobuhle una dhaw magaaladda Kariega,waxa eyna bilaabeen iney toogtaan dad ku sugnaay goobtaas,sidaas waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay booliska Koonfur Afrika.

ISHA/AA.

HALKAN KA SII AKHRISO.