TODOBAAD KA DIB WEERARKII CAWSWEYNE.
(SAWIRKA)-DAGAALKII CAWSWEYNE.
(CEELDHEER)-Tan iyo markii uu bilawday gulufka dagaal ee dalka looga sifeynaayo kooxda Alshabaab ee gacan saarka la leh kooxda Argagixisada Caalamaiga ah ee Al-Qaacidda,kooxda Alshabaab ayaa dalka Soomaaliya ka gaysatay weeraro ey ku dhimteen dad fara badan oo isugu jira shacab iyo ciidanba eyna ku dhaawacmeen kuwa intaas ka sii badan,hadaba kooxda ayaa weeraro waxa ey ka gaysatay saldhigyo ey iska leeyihiin Ciidamada Atmis iyo kuwa Xooga Dalka Soomaaliyeed,kooxda Alshabaab ayaa weerartay saldhiga Ciidamadda XDS ku leeyihiin degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud,weerarkaan ayaa dhacay Jimce 20/1/23-ka,kooxda ayaa hadane weerar ku soo qaaday saldhiga CXDS ku lahaayeen degmada Mesegawaay ee Gobolka Galgaduud Isniin-24/4/23-ka,kooxda ayaa weerarkeedi u wareejisay dhinaca Cidamada Atmis waxa eyna weerar ku qaadeen saldhiga ey lahaayeen Ciidamadda Ugandha ku lahaayeen Buulo-Mareer ee Gobolka Shabeelada Hoose taariikhdu markey ahayd Jimce-26/5/23-ka,weerarkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Cawsweyne ayaa dhacay Sabti-26/8/23-ka waxaane weerarkaan ku dhintay Alshabaabkii ugu badnaay weline waxa ey meydadkoodu yaalaan goobihii uu dagaalku ka dhacay,marka aad fiirisid weerarada Alshabaab ku qaadaan saldhigyada Ciidamada Dawladda Federaalka iyo kuwa Atmis waxa aad arkaysaa in kooxda Alshabaab iney ka qaadato muddo ugu yaraan dhan seddex bilood ah iney isku soo diyaariyaan si ey u qaadaan weerar ey u arkaan inuu yahay mid Culus kana duwan weerarada kale ee ah ku dhufo oo ka carar.
ISHA/BBC-SOMALI.