SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

TARTANKA U-17 EY ISUGU SOO HAREEN…

SAWIRKA XULKA DALKA MAROOKO EE U-17 AH.

(ALGERIA)-Waxaa maanta dalka Soomaaliya dib ugu soo laabtay Xulka Qaranka Kubadda Cagta ee Da’adoodu ka yar tahay 17-ka sano,kooxdaan ayaa ka qeybgashay taratan ey isugu yimaadeen 12-dal oo Afrikaan ah waxaane isugu soo haray 8-dal oo ka soo kala baxay seddexdii Wareeg ee loo qeybiyey 12-kii kooxood. Shalay oo Axad ahay(7/5/23)-ka ayaa waxaa dhacay kulankii ugu dambeeyey ee is reereebka waxaane kulankaasi isaga horyimid kooxaha Burkino Faso Vs Kameroon(2-1) waxa ey guushu ku raacday kooxdii Burkino Faso,labada gool ey dhalisay Burkino Faso ayaa dhashay qeybtii labaad ee cayaarta,maanta oo Isniin ah(8/5/23)-ka iyo berri oo Talaada ah(9/5/23)-ka ma dhici doonaan kulamo oo waa nasiino,kulnada ugu horeeyo ayaa kala dhacaayo Arbacada(10/5/23)-ka waxaane wada cayaari doono: Senigal Vs K/Afrika,kulankaan ayaa ka dhici doono garoonka NELSON MANDELA saacada Aljeeriya markey tahay (17:00)-PM waxa eyna ku beegan tahay (12:00)-PM dadka joogo North America,Soomaaliyana waxa ey u noqonaysaa(7:00)-PM,kulanka labaad ee isla maalintaas dhacaayo ayaa waxaa wada cayaari doono Aljeriya Vs Marooko,kulankaan ayaa ka dhici doono garoonka Maxamed Hamlaawi saacada Aljeeriya markey tahay(20:00)-PM kuna beegan (3:00)-PM North America,Soomaaliyana (10:00)-PM habeenkii.

ISHA WARKA SB-MEDIA. HALKAAN KALA SOCO WIXII NATIIJA AH.