TANZANIA OO XABSIGA U TAXAABTAY SIAYSIYIIN.
(SAWIRKA)-WILLIBROD SLAA.
(TANZANIA)-Seddex halgamaa oo reer Tanzania ah ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii ey dood ka keeneen heshiiska dekedaha ee dhexmaray dalalka Tanzania iyo Imaaraatka Carabta,sida laga soo xigtay warbixin ey baahisay hayada u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty shalay oo Isniin ahayd. Xubin hore uga tirsanaay baarlamaanka dalka Tanzania soona noqday safiirkii dalka Tanzania u fadhiyey dalka Sweden Willibwde Slaa,garyaqaan halgamaa Baniface Mwbukusi iyo halgamaa siyaasadeed Mdude Nyagali ayaa la wada xiray marka laga soo bilaabo Sabtidii hore,ragaan ayaa si aan qarsoodi ahayn waxa ey uga horyimaadeen heshiiskii la isku raacay una dhexeeyey Shirkada Isku duwidda ee Imaaraatka Carabta iyo gacan ku haynta dekedaha dalka Tanzania.
ISHA/MEE.