SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

TANZANIA OO MARTIGELISAY SHIRKA SADC IYO EAC.

(SAWIRKA)-KULANKA SADC.

(TANZANIA)-Wararka laga helaayo dalka Tanzaniya ayaa sheegaayo iney kulan isugu imaan doonaan Ururka ey ku mideysan yihiin Wadamadda Koonurta Afrika ee Horumarinta loona yaqaano SADC iyo Ururka Bulshada Wadamada Bariga Afrika ee EAC,labadaan Urur ee ka wada hawlgala Qaaradda Afrika ayaa maalmaha Jimcada iyo Sabtida soo socdo waxa ey ku kulmi doonaan dalka Tanzaniya, ujeedka kulankooda ayaa salka ku haayo Colaada ka soo cusboonaatay dalka Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga ee Koongo (DRC) sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ee magaaladda Nayroobi. Tanzaniya waxa ey martigelin doontaa shir Madaxeedka wadjirka ah oo ey ku mideysan yihiin laba Urur Goboleed oo ey ka tirsan tahay Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga Koongo taaso muujinyesa tallaabo cusub oo la doonaayo in la isku dayo sidii wax looga qaban lahaa dhiaabatada ka dhalatay dagaalka u dhexeeyo falaagadda M23 iyo Ciidamadda dalka Koongo. Kulankaan ayaa la sheegay iney isugu imaanayaan Wadamadda dhaca Koonfurta Afrika ee ku mideysan Ururka SADC iyo kan ey ku mideysan yihiin Wadamadda Bariga ee Bulshada Bariga Afrika EAC,maalmaha Jimacaha iyo Sabtida, waxaane looga hadli doonaa colaada ka taagan Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga ee Koongo,sida lagu sheegay war ka soo baxay aqalka Madaxtooyadda dalka Kenya ee magaaladda Nayrobi, Madaxweynaha Kenya Ruto ayaa yiri”Madaxweyne Samia Suluhu Xasan waxa ey si sharaf leh u ogolaatay iney martigeliso shir Madaxeedka looga hadlaayo xaaladda Bariga dalka Koongo”. Madaxweynaha dalka Kenya Ruto ayaa intaas raaciyey sheegayne in”Madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga Koongo Felix Tshisekedi iyo dhigiisa Rwanda Paul Kigame ey xaqiijiyeen ka qeybgalka kulan Madaxeedka,waxaane ka horeyn doono shir heer Wasiir ah ka hor kan Madaxweynayaasha oo dhici doono Sabtida”. Kulanka ayaa dhici doono ka dib go’aankii ey labada Urur Goboleed gaareen shirar gooni gooni ah oo ey yeesheen todobaadkii tegay kaaso lagaga hadlay colaada Bariga Koongo. Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa xaqiijiyey iney ka qeybgelaayaan Madaxweyneyaasha”Cyril Ramaphosa(K/Afrika),Yoweri Museve (Uganda) iyo Xasan Sheekh Maxamud(Somalia),madaxdaaso Ruto u xaqiijiyey iney ka qeybgelayaan shir Madaxeedka aan caadi ahayn. Ururka Bukshada Bariga Afrika EAC ee uu hogaamiyo Madaxweyne Ruto ayaa Arbacadii la soo dhaafay waxa uu kulan fogaan arag ah la yeeshay Madaxda xubnaha ka ah SADC waqti ey shiraayeen magaaladda Harare ee dalka Zimbabwe. Ururka SADC ayaa ka kooban lix iyo toban dal eyna ku jirto Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga Koongo ayaa go’aansaday iney la kumaan dhigooda Bariga Afrika eyna xubno ka yihiin ilaa sideed dal si ey uga wada hadlaan colaada Bariga Koongo ee u dhexeyso dawladda koongo iyo falaagada M23. Dagaalkii ugu dambeeyey ayaa sababay iney barakacaan dad gaaraayo ilaa boqolaal kun oo qofood,iyadoo falaagadda M23 ey wacad ku martay iney dhul cusub qabsan doonto,in kastoo ey canbaareyn xoogan ey uga timid Ururad gobolka,Midawga Afrika iyo Midawga Yurub,xusuusnow in dalka Koongo uu yahay dal ka tirsan labada Urur SADC iyo EAC halka Rwanda ey ka tirsan tahay oo kaliya EAC-da. Intii uu soccday shirkii SADC ee magaaladda Harare ee dalka Zimbabwe Madaxweyne Mnangagawa oo ah Gudoomiyaha waqtigaan ee SADC ayaa yiri”Waxaan ku kalsoonahay in go’aamo la taaban karo in maanta la ansixiyey eyna sii xoojin doonaan dadaaladda wadjirka ah ee socda ee lagu raadinaayo xal waara oo lagu soo celinaayo nabada iyo xasiloonida Bariga Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga Koongo”. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga Koongo Tshisekedi kama uusan qeybgelin shirkii EAC-da ee dhacay horaantii todobaadkii hore,sidoo kale ma uusan ka qeybgelin shirkii SADC ee dhacay todobaadkii tegay balse waxaa la sheegay inuu kala soconaaye khadka Internet-ka.

ISHA-EA.