TANI WAA SHEEKADDA….
Dadka reer Libnaan ayaa noqday kuwa arkay Arbacadii burbur weyn oo soo gaaray caasimadda Beyruut ka dib markii uu ka dhacay qarax aad u weyn maalintii Talaadada,qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan ilaa boqol qofood.
Qaraxa ayaa ka dhashay 2750-Tan oo ah Amooniya Naytarat(NH4NO3) waxaane ka dhashay su’aalo badan halka eey ka timid amooniya Naytarat,sida eey Beyruut ku soo gaartay iyo warbixin sheegayso in Amooniya Naytrat tahay tan uu ka dhashay qaraxa soona gaartay Beyruut todobo sano ka hor. Sida uu uu qoray bogga shiparrested ee ku takhasusay wararka maraakiibta iyo dhibaatooyinka soo foodsaara maraakiibta adduunka oo dhan,markabkii weday waxyaabihii ku qarxay Beyruut Talaadadii ayaa ka soo baxay dekadda Baatoomi ee dalka Joorjiya waxa uuna ku socday dekedda Beer ee dalka Mosambiig todoba sano ka hor kuna beegneed 23/11/2013-kii,waxa uuna markabka istaagay dekadda Beyruut ka dib markii ey la soo deistay colad farsamo.
Dhibaatadii dhacday waqtigaas ayaa ahayd in masuuliyiinta Libnaan fetesheen markabka watay calanka Maldovia waxayna baareen waxyaabaha sababay qaraxa ee saarnaay markabka,waxa eeyna markabka mamnuuceen inuu sii wato safarkiisa taas ayaan sababtay inshaqaalihii markabka isaga tagaan markabka,waxaane markabka iska lahaay nin u dhashay dalka Ruushka. Bilo ka dib masuuliyiinta Libnaan waxa eey markabka ka dejiyeen dhammaan wixii saarnaay waxa eeyna ku wareejiyeen qolka 12-aad wixii markaas ka dambeeyey ma jirto cid gashay qolka 12-aad ee lagu xareeyey waxyaabihii laga dejiyey markabka ka hor inta uusan dhicin qaraxii talaadad. War uu qoray bogga Shiparrested taariikhdu markeey ahayd oktoobar-2015-kii ayuu ku sheegay in masuuliyiinta Libnaan muddo kooban xiren shaqaalihii la socday markabka ka hor inta eeysan ka bixin dalka Libnaan,waxa uuna bogga cadeeyey ineey jiraan dacwooyin fara badan oo lid ku ah markabka dacwooyinkaas ayaa ka yimid dad deyn ku leh markabka ayagoo fiirinaayo inaan markabka loo ogolaan inuu sii wato safarkiisa Musambiig,waane mida sababtay khasaaro weyn,bogga shiparrested ayaa 2015-kii sheegay in Libnaan laba mid uun sameeyaan:
1-Ineey beeciyaan Amooniya Naytarat.
2-Iyo ineey baabi’iso amooniya naytarat.