SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

TALYAANIGA OO DIB U HABEYN XASRI AH KU SAMEEYEY SNTV.

(SAWIRKA)-WASIIR DA’UD AWEYS IYO SAFIIRKA TALYAANIGA PEIRO MARIO DOCCO COPPI.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimada Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Md.Da’ud Aweys Jaamac iyo Safiirka Dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Danjire Peir Mario Docco Coppi ayaa xariga ka jaray Studio-yaasha Tv-ga Qaranka ka dib markii lagu sameeyey dib u casriyey iyo qalabeyn. Hawshaan dib u casriyeynta ah ee lagu sameeyey qeybo ka mid ah Telefishanka Qaranka Soomaaliyeed(SNTV) ayaa qeyb ka ah hawlaha sannadkaan lagu horumarinaayo qeybo badan oo ka mid ah Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya. Wasiir Da’ud ayaa tilmaamay in dib u casriyeynta lagu sameeyey Studio-yaasha Wararka iyo Barnaamijyadda ee Tv-ga Qaranka ey qeyb weyn ka qaadan doonaan hawlaha muhiimka ah ee Warbaahinta Qaranka ey u hayso Ummadda Soomaaliyeed,isagoo uga mahaceliyey Dawladda Talyaaniga sida ey uga qeyb qaateen Horumarinta Warbaahinta Qaranka. “Maanta waxaan u joognaa xafladda Xarig-Jarka dib u casriyeynta Studio-yaasha Telefishanka Qaranka Soomaaliyeed oo ey iska kaashadeen Wasaaradda Warfaafinta Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawaladda Talyaaniga barnaamijkaan waxa uu qeyb ka yahay Horumarinta Warbaahinta Qaranka”ayuu yiri Wasiir Da’ud Aweys Jaamac. Sidoo kale,Wasiir Da’ud ayaa sheegay in mashruucaan uu hordhac u yahay dib casriyeynta xoog leh oo lagu sameeyn doono Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed kuwaaso hadda hawshoodu socoto. Safiirka dalka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Peir Mario Docco Coppi ayaa sheegay in dib u habeynta lagu sameeyey qeybaha ugu muhiimsan Tv-ga Qaranka ey tahay talaabo wax ku ool ah oo horay loo qaaday,asagoo xusay in Dawladda Talyaaniga ey mar kasta garab taagan tahay DFS, si gaar ahne ey Wasaaradda Warfaafinta kala dhexeyso wadashaqeyn ballaaran. Ugu dambeyntii,Wasiir Da’ud Aweys iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Md.Peir ayaa shahaado sharaf mahadcelin ah gudoonsiiyey qaar ka mid ah hawlwadeenadda sida wadajirka ah uga soo shaqeeyey hirgelinta dib u casriyeynta Studio-yaash Telefishink Qaranka.

ISHA-SNTV.