SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

TALIYEYAASHA ATMIS OO LA SAGOOTIYEY LANA SOO…

(SAWIRKA)-KA QEYBGALAYAASHA SHIRKII MUQDISHO

(MUQDISHO)-War murtiyeed ka soo baxay Shirka Taliyeyaasha Ciidamadda Dalalka ka mid ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midawga Afrika ee Soomaaliya oo maanta lagu soo gababageeyey magaaldda caasimadda ah ee Muqdisho. Shirkaan ayaa ku qabsoomay Muqdisho inta u dhexeysay 30/11/24-ka ilaa 4/12/24-ka iyadoo diiradda lagu saaray Qorshaha Hawlgalka kala Guurka ee ATMIS kaaso ku eh 31/12/24-ka iyo Hawlgalka cusub ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya AUSSOM. Shirka ayaa waxaa soo xiray Wasiirka G/dhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.C/qaadir Maxamed Nuur(Jaamac) waxaane ka qeybgalay Taliyeyaasha Ciidamadda Wadamadda Kenya,Jabuti,Burundi,Soomaalia iyo Ugandha,waxaa kaloo joogay wakiilo ka kala socday Midawga Afrika,Hwlgalka ATMIS iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobe ee Soomaaliya(UNSOM),Shirka ayaa laga soo saaray Qodobadaan: (1)-Soo dhawynta hawlgalka Cusub ee AUSSOM iyadoo lagu adkeeyey in hawlgalka AUSSOM uu ka faa’iideysto casharadii laga bartay ATMIS si loo xoojiyo Amniga Soomaaliya. (2)-Waxaa lagu bogaadiyey DFS dadaalkeed la xiriira Iskaashiga iyo Horumarinta Qorshayaasha ka dib ATMIS. (3)-Dalalka Ciidamadda ku deeqay AUSSOM ayaa xaqiijiyey iney ka go’an tahay taageeradda Nabadda iyo Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya. (4)-Wadamada ka qeybgalay shirka ayaa xaqiijiyey sida ey u garab taagan yihiin in la ilaaliyo Midnimada,Madax Banaanidda iyo Xuduudaha Soomaaliya. (5)-Waxaa la soo jeediyey in la sameeyo Hab-Raac isku dubarid ah oo heer Istaraatiiji,hawlgal iyo Farsamo leh. (6)-Dawladaha waxa ey isku raaceen qorshe lagu horumarinaayo meelaha Istaraatiijiga ah ee ey degi doonaan AUSSOM. (7)-Beesha Caalamka ayaa lagu booriyeyiney sii wadaan taageerada dhaqaalaha iyo qalabka hawlgalka cusub ee AUSSOM. Gabgabadii shirka ayaa la isla qaatay in la sii xoojiyo guulaha la gaaray,lana taageero qorshaha iyo dadaaladda DFS ee Horumarinta Amniga.

ISHA-SNTV.