TALIYAHA CIIDANKA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED OO BOOQASHO KU…
(SAWIRKA)-TALIYAHA CIIDANKA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED.
(ROME)-Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sh.Muxyadiin Cadaw iyo wafdi saraakiil ah oo uu hogaaminaayey ayaa safar shaqo ku joogo dalka Talyaaniga ee saaxibka la ah Soomaaliya,wafdiga ayaa booqday Dugsiyadda Tababarka Ciidamadda ee dalka Talyaaniga. Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa soo booqday Dugsiyadda kala ah Dugsiga Tababarka Madaafiicda Goobta,Dugsiga Tababarka Ciidanka Dhulka iyo Dugsiga Tababarka Ciidanka Gaarka ah ee Jugta Culus,waxaane halkaasi ku soo dhaweeyey wafdiga Tliyaha Saraakiisha Dugsiyadaas ee dalka Talyaaniga. Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed S/G.Ibraahim oo ey wehliyaan saraakiil Muhim ah oo ka tirsan Taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulamo la qaadan doono saraakiisha Hogaanka Ciidanka dalka Talyaaniga maalmaha soo socdo.
ISHA/RADIO SNA.