SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

TAKHATIIRTA AAN XUDUUDA LAHAYN OO JOOJIYEY…

QOLOFTII RASAASTII LALA BEEGSADAY MSF.

(JOHANNESBURG)-Hayadaha caalamiga ah ee bixiya adeega caafimaad ayaa maalintii Kahmiista sheegay ineey joojiyeen hawshii ey ka wadeen Waqooyi-Galbeed dalka Burkiino Faaso ka dib markii dad hubaysan ey dileen laba qofood oo ka mida shaqaalahooda Arbacdii tagtay. Takhatirta aan xuduuda lahayn amaba loo yaqaano MSF ayaa qoraal ey soo saareen ku sheegay in rag hubaysan rasaas ku fureen Arbacaii Subaxnimadeedii waxa eyna dileen laba shaqaale ah,laba kale oo ka tirsan maamulkane waa ey ka baxsadeen,baabuurka la weeraray ayaa gaadiid u ahaay koox caafimaad oo ka koobneed afar qofood una kala gooshaayey inta u dhexeyso Dedougou iyo Tougan marka la bartimaameedsanayey.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.