SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

TAKHAATIIRTA AAN XUDUUDA LAHAYN OO ISAGA BAXAY MARINKA GAZA.

(SAWIRKA)-MARINKA GAZA.

(LONDON)-Takhaatiirta aan Xuduuda lahayn(MSF) ayaa ku dhawaaqday in laga daad gureynaayo Isbitaalka AL-AQSA ee Marinka Gaza xilli ey Isra’iil weerartay Isbitaalka AL_AQSA,”Xaaladu waxa ey noqotay mid aad khatar u ah taaso keentay in qaar ka mida shaqaalihii ku noolaay xaafadda deriska la ah Isbitaalka AL-AQSA ey awoodi waayeen iney ka soo baxaan guryahooda sababtoo ah Hanjabaada joogtada ah ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn(Drones)- iyo askarta dhar cadka ah ee hubeysan oo si qarsoodi ah u dilaayo dada(Snipers)” sidaas waxaa sheegay sarkaal ka tirsan Takhaatiirta aan Xuduudka lahayn kana hawlgala Marinka Gaza. Hayada Takhaatiirta aan Xuduuda lahayn ee MSF ayaa ku dhawaaqday iney isaga bexeyso Marinka Gaza oo uu ku jiro Isbitaalka AL-AQSA iyadoo ey sii kordhayaan weerada ciidamadda difaac Isra’iil ee Marinka Gaza. In kastoo Ururkaan Caalamiga ah ee bixiya adeega daryeelka Caafimaad uu soo saaray bayaan shalay oo Sabti ahayd kuna sheegay iney ku adag tahay in shaqaalaha iyo qoysaskooda laga daad gureeyo Marinka Gaza hadane waxa ey sidoo kale sheegeen iney xitaa ka baxayaan Isbitaalka AL-AQSA. “Waa damiir aad u culus oo aan ku qasbanahay inaan isaga baxno Marinka Gaza iyadoo Bukaanada,shaqaalaha Isbitaalka iyo dad fara badan oo badbaado doonaayo ey ku jiraan dhismaha Isbitaalka AL-AQSA” Carolina Lopez oo ah isku duwaha xaalladda deg dega ah ee Isbitaalka Al-AQSA ayaa sidaas ku tiri qoraal ey soo dhigtay barteeda Twitter-ka(X).

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.