SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

TAHRIIBAYAAL SOOMAALI AH OO KU DHINTAY BADDA YEMAN.

(SAWIRKA)-MEYDADKA DADKII SOOAALIYEED EE LAGA SOO SAARAY BIYAHA BADDA YEMAN MAANTA-10/6/24.

(SHABWA’A YEMAN)-DEG DEG: Wararka inaga soo gaaraayo Gobolka Shabwa’a ee Koonfur-Bari Yeman ayaa sheegaayo in maanta halkaasi ey ka dhacday Musiibo aad weyn oo Naxdin leh,ka dib markii halkaasi lagu arkay Meydad fara badan iyo dad kale oo ka soo badbaaday Dooni siday Tahriibayaal u badan Soomaali,dadka Doonto la socday kana soo badbaaday Doonta la sheegay iney degtay ayaa Video ey iska soo duubeen lana soo dhigay baraha bulshada waxa ey ku sheegeen in tiradooda ey dhammeed ilaa 240-Qof,waxay kaloo sheegeen in dadka Tahriibinaayey ee iskalahaay doonta iney dadkii ku soo daadiyeen bartamaha badda meel ka dheer Jooga qofka taasina ey keentay in dadkii saarnaay doonta oo isugu jiray Rag iyo Dumar kuwoodii aan aqoonin Dabaasha iney ku le’edeen biyaha badda. Raga iska soo duubay Video-ga oo ka sheekeynaayey sida wax u dheceen ayaa tilmaamay in asaxaabtoodii la socotay ey weli ku maqan yihiin Badda hadana la bilaabay in laga baadi goobo biyaha badda,waxaane la arkaayey Video-ga doomaha Kalluumeysiga oo laba ah eyna saaran yihiin midiiba afar badmaax iney dhex meereysanaayeen biyaha,dhinaca xeebtane waxaa ka muuqanaayey dad fara badan oo taagan ishana kuwada haayo badda iyo ciddii laga soo saaro. Sida ey sheegeen dadka degaanka Doonta ayaa ku degtay degmada Raduum ee Gobolka Shabwa’a ee dhaca Koonfurta Bari ee dalka Yeman. Sida ey sheegeen ilo wareedyo Yeman ah doonta degtay ayaa waxa ey ka soo shiraacatay Xeebaha dalka Soomaaliya kuna socota Gobolka Shabwa’a ee dalka Yeman,waxaye sharaxaad ka bixiyeen hayadaha Amniga Gobolka Shabwa’a in meydadka ilaa hadda la soo helay ey dhan yihiin ilaa 35-Meyd isuguna jira Rag iyo Dumar, Yemaniyiinta ayaa tirada Guud ee saarneed doonta degtay ku sheegay iney dhammaayeen ilaa 250-Muhaajir una badnaay Soomaali. Hayaddaha Amniga ee G/shabwa’a ayaa sheegay gelinkii dambe ee maanta in tiradda la soo badbaadiyey ey dhan tahay ilaa boqol Muhaajir,waxa eyna hadda ku sugan yihiin Degmada Raduum ee Gobolka Shabwa’a ee dalka Yeman,maamulka degmada ayaa tilmaamay in gebi ahaan maamulka uu ku maqan yahay falkaasi naxdinta leh,iyadoo dadka ey sii wateen u gurmashadda dadka ey waxyeeladu soo gaartay isla markaasne ey soo saareen Meydad fara badan. LS SOCO WIXII SOO KORDHA.

ISHA/SUUQ-BACAAD MEDIA.