TAHRIIBAYAAL LAGU LA’A YAHAY BADDA GIRIIGA.
TAHRIIBAYAAL.
(ATHENS)-Tobaneeyo qofood ayaa maqan ka dib markii la soo sheegay doontii eey saarnaayeen iney ku degtay gudaha badda Aegean xalay saqdii dhexe sidaas waxaa maanta oo Talaada ah sheegay xukuumadda Giriiga. Waxaa socdo hawlgalo balaaran oo lagu soo badbaadinaayo dadka ey la degtay doonta waxaane ilaa iyo hadda la soo badbaadiyey sagaal qofood kuwaso laga soo helay inta u dhexeyso Jaziiradaha Andros iyo Evia sida ey sheegeen ciidamadda ilaaladda xeebaha ee dalka Giriiga.
ISHA WARKA AA.