SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

TAHRIIBAYAAL LAGA SOO BADBAADIYEY BADDA ISBAYN.

(SAWIRKA)-DOOMAHA LAGU TAHRIIBO.

(OVIEDO-SPAIN)-Todobo qofood ayaa geeriyootay waxaane isbitaalka la dhigay 12-qofood oo kale maanta oo Talaada ah ka dib markii ey safar dhinaca badda ah oo aad u muruga badan ey kaga soo bexeen Waqooyi-Galbeed ee Qaaradda Afrika iyagoo ku sii jeeday Jaiisaradda Canary ee dalka Isbayn. Ilaaladda xeebaha dalka Isbayn ayaa soo badbaadiyey 38-qofood subaxnimadii maanta oo Talaada ah ka dib markii doon yar kana sameysan Alwaax oo sida tahriibayaal lagu arkay iyadoo dul heehaabeysa biyaha ayaa waxaa arkay markab ganasi galabnimadii shalay oo Isniin ahayd,maamulka ilaaladda xeebaha Isbayn ayaa ku waramay in laba meyd ah laga soo dhex helay doonta sabeynaysay intuu soday gurmadka,tahriibayasha ayaa loo gudbiyey xeebta waxa eyna heleen adeegyadii ugu horeeyey ee loo fidiyey iyagoo ogaadeen heerka ey gaarsiisan tahay Musiibadda tahriibka,Tahriibayaasha ayaa sheegay iney jidka ku soo dhinteen shan qofood oo kale waxaane lagu tuuray biyaha badda,sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka dalka Isbayn ee EFE.

ISHA/AA.

RIIX HALKAN.