SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

TAHRIIBAYAAL KU DHINTAY XEEBAHA DALKA…

DOONA SIDA TAHRIIBAYAAL.

(ROME)-Doon ka samaysan Al-waax eyna buux dhaafiyeen dad fara badan oo wada ah Muhaajiriin aan sharci ahayn ayaa ku dhufsatay Jabal una kala jajabtay qeybo yar-yar ka hor inta aan qeybaheeda lagu arag xeebaha dalka Talyaaniga. Hayadaha gargaarka ayaa soo helay meydadka 60-qofood waxaane la la’ayahay tobaneeyo kale gudaha biyo aad u xun. Masuuliyiinta dalka Talyaaniga ayaa ka cabsi qaba in tirada dhimashada intaas ka badato waayo ayey yiraahdeen dadka saarnaay doontay burburtay ayaa gaarayey 200-qofood markii ey doonta ka soo bexeysay xeebaha dalka Turkiga,waxaane la soo badbaadiyey dad dhan 80-qofood sidaas waxaa sheegay hayadaha Qaxootiga iyo tan Socdaalka ee Qaramada Midoobay.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.