SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

TAHRIIBAYAAL DOON KULA DEGTAY GIRIIGA.

(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAAL.

(ATHENS)-Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay,tobaneeya kalena waxaa la rumeysan yahay in la la’ayahay ka dib markii doon ey saarnaayeen dad Tahriibayaala ah ey ku degtay Xeebaha Jazeerada yar ee Gavdos ee Koonfurta Crete habeenkii Jimcaha. Masuuliyiinta dalka Giriirga ayaa sheegay iney badbaadiyeen 39-qof oo tahriibayaal ah oo la socday doonidda degtay,waxa eyna bilaabeen hawlgalo lagu soo badbaadinaayo dad kale. Shan tahriibayaal ah ayaa dhintay subaxnimadii hore maanta oo Sabti ah ka dib markii doontii ey saarnaayeen ey kula degtay Crete,sida ey sheegeen ilaaladda Xeebaha dalka Giriirga,waxaane la sheegay in 40-qof la la’ayahay halka 39-kale la soo badbaadiyey. Doonta ayaa ku degtay meel 12-Meyl-badeed Koonfur Galbeed la xigta Jazeeradda Gavdos,sida ey sheegtay Warbaahinta ERTNEWS, warbaahinta ayaa intaas ku dartay in la la’ayahay ilaa 40-qof. Hawlgal balaaran oo samata bixin ah oo ey ku lug leeyihiin Maraakiib iyo diyaarado ayaa ka socdo badda Koonfurta Jazeeradda Gavdos ee Koonfurta Crete,ka dib markii ey doontu degtay wax yar uun ka dib saqdii dhexe,sida ey sheegeen ilaaladda Xeebaha Giriiga, waxaane meydkii ugu horeeyey la soo helay subaxnimada maanta oo Sabti ah. Warbaahinta Maxaliga ah ayaa sheegtay in nin kale lagu qaaday diyaarad Helikobtar ah lana geeyey isbitaal ku yaalo magaaladda Chania ee Crete waxaane loo fidiyey daryeel caafimaad oo culus. Gelinkii dambe ee maanta oo Sabti ah,ilaaladda Xeebaha dalka Giriiga ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay in tirada Muhaajiriinta ee ilaa hadda la helay Meydadkooda ey kor u dhaafeen ilaa shan. tirada Muhaajiriinta ee soo gaareyso dalka Giriiga ayaa kor u kacday sannakaan 2024-ka gaartayne shan iyo labaatan boqolkiiba(25%),iyadoo ey kordheen boqolkiiba sodon(30%) Rhodes iyo Koonfur Bari Aegean,sida ey sheegtay Wasaaradda Socdaalka Giriirga,todobaadyadii la soo dhaafay waxaa dhacay dhawr shil oo midkaan la mid ah. Dabayaaqadii bishii hore ee Noofembar sideed Muhaajiriin ah oo lix ka mid ah ey ahaayeen Caruur aan qaan-gaarin ayaa ku dhintay Waqooyiga Jazeeradda Samos,iyagoo ku sii jeeday wado ey inta badan isticmaalaan dadka wax tahriibiya.

ISHA FRANCE24.