SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SWEDEN OO XUKUNTAY HOOYO WIILKEEDA…

(SWAIRKA)-KOOXDA DAACISH.

(SWEDEN)-Wararka aan ka heleyno dalka Sweden ayaa sheegaayo in Haweeney u dhalatay dalka Sweden ayaa lagu xukumay 12-sano oo xarig ah ka dib markii lagu helay dembiyo dagaal oo ka dhan ah dadka Yazidiga ah, ka dib markii ey ku biirtay kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalka Suriya. Lina Ishaq, oo 52-jir ah ayaa lagu helay dembi ah iney adoon ahaan u haysan jirtay seddex dumar ah oo Yazidi ah iyo lix caruur ah oo iyagana Yazidi ah,kuwaaso ey ku haysatay magaaladda Raqa intii u dhexeysay sannadadii 2014- ilaa 2016-kii. Waxaane lagu cadeeyey dembigaan bishii Sebtembar ee sannadkii hore. Waa markii ugu horeysay oo dembiyo ka dhan ah Yazidiga oo ka mid ah diimaha laga tirada badan yahay ee dalka Ciraaq kuwaaso ey geysteen kooxda ISIS lagu Maxkamadeeyo gudaha dalka Sweden. Ishaq waxa ey ku biirtay kooxda Daacish iyada oo qoyskeeda u rartay Suriya sannadkii 2013-kii. Waxa ey Xabsi uga sii jirtay dembi ahaan iney wiilkeeda oo 12-jir ahaa u weday dalka Suriya”kuna fashilantay iney ka hortagto” in Daacish ey wiilkeeda 12-jir ah u adeegsadaan caruur askareed ahaan. Wiilkeeda ayaa dhinta sannadkii 2017-kii isagoo 16-jir ah.

ISHA-BBC/SOMALI.

HALKAN KA SI AKHRISO.